Ereyga Maanta: hirqad
tooje  Inta caano naasaha ku jira lisidda ka hor.
toojo  Neef irmaan aan si fiican loo fara barin oo dhib iyo shiddo lagu liso; aan hebed ahayn. ld tood¹.
tookh1  Faan, ammaan. tookh2  Ku t.: faan iyo istustus samayn. tookhid  eeg tookh².
toolin  T. ah: caano la soo uruuriyey oo la siiyo reero aan xoolo u irmaanayn.
toolmoon  1. Qof laf iyo hilib isla eg leh oo qurxoon ahaansho. 2. Arrin habboon in la yeelo ahaansho. ld toolmoonsan.
toolmoonaan  eeg toolmoon. ld toolmoonaansho, toolmooni, toolmoonsanaan.
toolmoonaansho  ld toolmoonaan.
toolmoonayn  eeg toolmoonee.
toolmoonee  Wax qurxin ama hagaajin.
toolmooni  ld toolmoonaan.
toolmoonsan  ld toolmoon.
toolmoonsanaan  ld toolmoonaan.
toolmoonsanaansho  ld toolmoonaan.
toomigaan  Nooc buntukhda ka mid ah oo darandoori u dhaca.
toomman  T. ah: bishu marka ay 29 beri ku dhammato.
toon1  1. Miro is qabsaday oo dhuuban. 2. Geela la tolo, saaladiisa isqabqabsata oo wax kuusan noqota. toon2  (nax.) Marka shay lagu dhawaaqayo codku wuxuu noqon karaa mid dheer ama mid gaaban ama mid dhexdhexaad ah. toon3  1. Dhir urursan oo meel ku wada taal. 2. Geed yar oo buruqdisu ka mid ah kuwa cuntada lagu darsado oo lagu carfiyo. toonbaakh  ld tubaako.
toor1  1. Beer iyo hilib la yar yareeyey oo la isku shiilay. 2. Bun duban, caano, daango iwm oo la isku daray. toor2  1. Bun duban, caano, daango iwm isku darid. 2. Beer, hilib iyo xayr isku shiilid. tooran  1. Bun, daango, caano iwm wax la isku daray ahaansho. 2. Beer, hilib iyo xayr wax la isku shiilay ahaansho.
toorasho  eeg tooro.
tooratoore  Bir dhuuban oo meel la qabsado leh oo buntukha lagu cabbeeyo.
toorayn  eeg tooree.
toore  1. Waddo yar oo xooluhu bixiyeen. 2. Raad xoolo badan oo is daba socda sameeyaan.
tooree  1. Nafley toore samayn. 2. Xoolo badan si isdaba joog ah u socosho.
toorid  eeg toor².
page : 48 of 60
<< < 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 > >>