Ereyga Maanta: hiilley
toornaado  (juqr.) Dhulka Guinea ee Afrikada-galbeed, waa duufaan xoog leh oo badanaa loo yaqaan “tornaadada Afrikaanka”. Waxay ka kooban tahay dabayl cod leh oo ka timid dabayl onkod xoog leh, waxay inta badan ku bilaabantaa si kedis ah waqti yarna ku eg, laakiin waxay geystaa burbur weyn dhulka iyo baddaba, waxa inta badan la socda roob biyo dhaca.
toornaan  eeg tooran. ld toornaansho.
toornaansho  ld toornaan.
tooro  1. Bun duban caano, daango iwm ku darasho. 2. Beer, hilib iyo xayr isku shiilasho.
toorrey  Mindi af godan leh oo labada dhinac wax ku goysa, caarad dhuuban, daab xardhan oo gees ama caag ka samaysan iyo gal leh oo raggu qaato. ld toorri.
toorri  ld toorrey.
toos1  1. (fk) T. u soco: qalqallooc iyo leexleexad la'aan u soco. 2. ld toosid. toos2  1. Nafley hurdo ka kicid. 2. Wax aan qalqalooc lahayn noqosho. 3. Qalad, wanaag ku beddelid. toosan  1. Wax aan qallooc ama leex-leexad lahayn ahaansho. 2. Wax aan qalad lahayn ahaansho.
toosi  1. Nafley hurdo ka kicin. 2. Wax qallooc ka bi'in. 3. Cid qalad ka leexin.
toosid  eeg toos². ld toos¹ (2).
toosin  eeg toosi.
toosnaan  eeg toosan. ld toosnaansho.
toosnaansho  ld toosnaan.
tootir  1. Xiddig aan saadaal wanaagsanayn. 2. Hilib jilicsan ee ka laallaada shaqfasha dadka da'da ah.
toox1  1. Ballac, baaxada, ballaar. 2. ld tooxid. toox2  1. Dhar ballac u cabbirid. 2. Qaanso boqon ku giijin. tooxan  1. Wax la tooxay ahaansho. 2. Wax godan ahaansho.
tooxasho  eeg tooxo.
tooxi  Qaanso boqon ku giijin.
tooxid  eeg toox². ld toox¹ (2).
tooxin  eeg tooxi.
tooxnaan  eeg tooxan. ld tooxnaansho.
tooxnaansho  ld tooxnaan.
tooxo  Qaanso boqon ku giigsasho.
tooxsasho  eeg tooxso. ld tooxsi.
tooxsi  ld tooxsasho.
tooxso  Qof hawl keli qabasho.
tooxweyn  Nooc maryaha la guntado ka mid ah oo ballac weyn leh.
tooyasho  eeg tooyo.
page : 49 of 60
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>