Ereyga Maanta: caynaano
xasillanaansho  ld xasillanaan.
xasilloon   ld xasillan.
xasilloonaan  ld xasillanaan.
xasilloonaansho  ld xasillanaan.
xasillooni  ld xasillanaan.
xasin  ld xays.
xaskul  (bot.) Geed dacarta la tol ah; wuxuu leeyahay caleemo dhaardheer oo warmo ah oo qaarka danbe u wada buuran oo wada hilib ah, oo caarad qodax ah ku wada dhammaada; sida wax laysku falkiyay bay isu haystaan oo midiba mid uga kor baxdaa. Waa wada liil, xargo iyo waxyaalo kaleba laga sooho ama laga sameeyo; xaskulxig.
xasuuq   Nafley badan hal mar wada layn; baabi'in.
xasuuqid  eeg xasuuq.
xataa  1. Eray lagu isticmaalo kolka wax gaar ah la weyneynayo ama culays gaar ah la saarayo. Tus. “Waa geesi oo xataa libaaxa (ama libaaxa xataa) kama baqo”. 2. Haba yaraatee. Tus. “Bal wax uun i sii, xataa shi-lin”. ld xitaa.
xatab  Cagasaaraha ragaadka (jaranjarada) middood.
xatabad   Meesha aqalka laga galo; irrid-horaad.
xatooyo  Hanti cid kale leedahay oo amar la'aan qarsoodi looga qaato; tuugannimo.
xaw  1. Dhuun. 2. Naf.
xawaad  Xoolo badan.
xawaadeen  Dabayl xoog leh.
xawaaj  ld xawaash.
xawaaji  ld xawaash.
xawaal1  ld xabaalid. xawaal2  Degganaanta iyo dib u gurasha-da badda. xawaalad   1. (dhaq.) War-qaadda lagu diro lacagaha dadku boostada ku dirayaan. 2. (dhaq.) Lacag dal laga wareejiyo iyadoo dal kale lagu wareejinayo.
xawaarayn  eeg xawaaree.
xawaare  Orod si gaar ah loo ordo.
xawaare ileys   (fiis.)Summad C. Xawaaraha ay ku baahaan hirarka birlabdanabeedka maraaya dulalaati madhan, kaas oo ah madoorsoome fisikeed, le'egna 2.997.925 x 10(8) m/s, waxana loo yaqaanaa madoorsoomaha birlabdanabeed.
xawaare-hoor beeg   eeg anemoomitir.
xawaaree   Ku x.: ayadoo la ordayo meel xoog ugu wareegid.
xawaash  Dhirta lagu carfiyo cuntada.
xawaldaar  Jaajin.
xawayaan  ld xayawaan.
xawbaf  Caws caleemo dhaadheer oo rarada laga sameeyo.
page : 30 of 60
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>