Ereyga Maanta: maneysi
hur  1. (f.g) U h.: cid wax u hibayn. 2. (f.mg) Dab bixid.
huraanhuriye  Nooc ka mid ah mariidka oo neefka ku rida neeftuur badan, sidii isagoo orod aad u dheer soo galay neefta ku xiranta dabadeedna wuu dhintaa.
huran  Wax lagu khasbanyahay ahaansho. ld hurran.
hurdamid  eeg hurdan².
hurdan1  Ciyaar gaar ah oo haraati ama laad dadban la isladhaco. hurdan2  Hurdan ciyaarid. hurdansii  Laba wiil hurdan ciyaarsiin.
hurdansiin  eeg hurdansii.
hurdeysan  Cid hurdo hayso ahaansho.
hurdeysii  Cid seexin. ld hurdisii.
hurdeysiin  eeg hurdeysii. ld hurdisiin.
hurdeysnaan  eeg hurdeysan. ld hurdeysnaansho.
hurdeysnaansho  ld hurdeysnaan.
hurdi1  Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka. hurdi2  Seexin. hurdid  eeg hurud.
hurdin  eeg hurdin.
hurdisii  ld hurdeysii.
hurdisiin  ld hurdeysiin.
hurdo  Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.
hurdo diid  Nooc ka mid ah ciyaaraha la raacsiiyo muusikada shareero, waxaana ciyaara beeraleyda ku sugan degaanka webiga Shabeelle.
hurdoo  Cid hurdo dareemid.
hurdood  eeg hurdoo.
hurdoqar  Hurdo weyn oo aan qofka la kicin karayn.
hurdoyari  (daaw.) Hurdo imaasho la'aan ama seexasho la'aan muddo caadi ah, taas oo keenta daal joogto ah.
hurguf1  Jafidda habaas, biyo iwm wax laga jafo. ld hurgufid. hurguf2  Habaas, biyo iwm wax ka daadin. hurgufan  Wax la jafay ahaansho.
hurgufasho  eeg hurgufo.
hurgufid  eeg hurguf². ld hurguf¹.
page : 89 of 93
<< < 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 >