Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
abasaxsanaansho  ld abasaxsanaan.
abashuqle  Guux iyo abur uu afka ka keeno awr doobbo soo ridi waayey. ld aburshuqle.
abashuqlee  Abashuqle samayn (awr). ld aburshuqlee.
abashuqleyn  eeg abashuqlee. ld aburshuqlayn.
abasixid  eeg abasax².
abataqan  Meel aad uga fog qofka hadlaaya.
abaydimi  Ilmo yar abaydin ka dhigid.
abaydimin  eeg abaydimi.
abaydin  A. ah: ilmo yar oo naaska hooyo aan nuugin.
abbaan  1. Qof cid magan geliyey. 2. Qof, cid magan u ah.
abbaanduul  Cilmiga barashada hoggaaminta ciidamada xagga dagaalka. ld ammaanduul.
abbaanduule  1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye-xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada. ld ammaanduule.
abbaannimo  Abbaan ahaansho.
abbaansasho  eeg abbaanso. ld abbaansi.
abbaansi  ld abbaansasho.
abbaanso  Cid abbaan u noqosho (qof).
abbaanwarre  Laba isu dhaxday kan labka ah; say.
abbaar1  1. Meel ku aadkeeda. 2. ld abbaarid. abbaar2  Hadal, arrin iwm sida ku habboon ee looga baahanyahay. Tus. “Hadalka abbaartiisu sidaa ma ahayn.” abbaar3  1. (f.g) Si toos ah oo aan leexleexasho lahayn wax u aadid. 2. (f.mg) Ku a.: wax kale ku toosin. abbaaran1  1. Ku a.: wax waqti go'an meel ku aaddan noqosho. 2. Ku a.: wax meel ku aaddan noqosho. abbaaran2  1. Ku a.: wax waqti go'an meel ku aaddan ahaansho. 2. Ku a.: wax meel ku aaddan ahaansho. abbaare  Qiyaasta ugu dhow wax aan la hubin oo la qiyaaso. Tus. “Waxaan ku sugayaa abbaaraha lix saac”.
abbaarid  eeg abbaar³. ld abbaar¹.
abbaarmid  eeg abbaaran¹.
abbaarnaan  eeg abbaaran². ld abbaarnaansho.
abbaarnaansho  ld abbaarnaan.
abbaarqaadasho  eeg abbaarqaado.
abbaarqaado  Ka a.: meel jahadeeda meel kale uga tilmaan qaadasho.
abbaarsii  Wax meel ama wax kale ku aaddin.
page : 12 of 1584
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>