Ereyga Maanta: gadaalabbar
bacaad  Ciid badan, jilicsan, boor lahayn oo aan lagu socon karin.
bacaad-qaab-bileed  (juqr.) Carro meel ku ururtay oo leh qaabka bisha taas oo samaysanta marka jihada dabayshu si yar isubeddesho. Carradaasi dhanka dabaysha xigta tuur ayay ku leedahay janjeerkeedu sahlanyahay; dhanka dabaysha ka horjeeddana golxo ayey leedahay, janjeerkeeduna ma sahlana; geesuhuna hoos bay tilmaamayaan. Carradaasi way sii dhaqaaqdaa marka ay carro kale hesho. Kelican-keli iyo kooxkoox way u dhacdaa.
bacaadcelin  Ka hortagga bacaad fidaaya iyadoo geedo lagu beeraayo.
bacad  1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul oo qorraxda hayso.
bacadle  1. Ganacsade meel bannaan oo aan dhisneyn wax ku iibsanaaya. 2. Meesha bacadluhu wax ku gato. 3. Awr rarey ah oo xoog badan.
bacaraar  1. Sanka qeybtiisa sare ee dhuuban. 2. Sanka intiisa hore oo aan lafta lahayn.
bacaroor  Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.
bacaw1  Qof la baaseeysto oo la aaminsanyahay in uu nasiibdarro wato. bacaw2  Nooc quraanyada ka mid ah, midab cas leh, kooxkooxna u socota, aad u qurmoon oo yacayda cunta. bacayr  Jaad ugaarta ka mid ah sagaarada ka weyn deeradana ka yar, midab dambas ah iyo dhego balballaaran leh, kuna nool meelaha biyaha badan; dhusaas.
bacdad  Fara badan.
bacdamaa  Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. ld maadaama.
bacdi  Ka bacdi: kaddib; dabadeed.
bacle  Geed nagaar aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.
bacleel  Si gudub ah wax u eegid.
bacleelid  eeg baacleel.
bacood  Meel taag ah oo aan geedo lahayn.
bacramid  eeg bacran¹.
bacran1  Wax dildilaac yeeshay noqosho (muraayad, laf, derbi iwm). bacran2  Wax dildilaac yeeshay ahaansho (muraayad, laf, derbi iwm). bacranaan  eeg bacran². ld bacranaansho.
bacranaansho  ld bacranaan.
bacrimane saygot  (baay.) Gaamayt dheddig oo bacrinsan: waa maxsuulka is kudarsanka bu'da ugxanta iyo xawada ama boodh faxalka.
bacrimayn  eeg bacrimee. ld bacrimays, bacrimin, bacrimis.
bacrimays  ld bacrimayn.
bacrimee  1. Unug tarmineed lab, unug tarmineed dheddig dhex gelid. 2. Dhul si uu bacrin u noqdo digo ama walax kiimika ah ku shubid. ld bacrimi.
bacrimi  ld bacrimee.
bacrimin1  ld bacrimayn. bacrimin2  Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane. bacrimis  ld bacrimayn.
page : 14 of 108
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>