Ereyga Maanta: miryaadis
duub1  1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iwm ah. duub2  Xoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid. duub3  1. (f.g) Dermo, maro, xarig iwm dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iwm ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid. duuban1  1. Wax duubmay noqosho. 2. Isku d.: wax midaysan noqosho. duuban2  1. Derin iwm wax la duubay ahaansho. 2. Nabar wax gaarso lagu maray ahaansho. 3. Cajalad wax hadal lagu duubay ahaansho. 4. Isku d.: wax midaysan ahaansho. duubashi  Derin weyn oo duuban oo cusub.
duubasho  eeg duubo.
duubcad  Askaartii soomaaliyeed oo Talyaanigu u qortay inay 1935 kala qaybgalaan dagaalkii Amxaarada.
duubduub1  ld duudduubid. duubduub2  ld duudduub². duubduuban1  ld duudduuban¹. duubduuban2  ld duudduuban. duubduubid  ld dudduubid.
duubduubmid  ld duudduubmid.
duubduubnaan  ld duudduubnaan.
duubduubnaansho  ld duudduubnaan.
duubi  1. Lafta shanshada iyo hilibkeeda oo goonni loo gooyey. 2. Nin tol boqorraday. 3. Galoolid; ku marid.
duubid1  1. eeg duub². 2. eeg duub³. ld duubis. duubid2  Marka meseggada ama galleyda sabuul ka yeelan rabto. duubis  ld duubid¹.
duubmid  eeg duuban¹.
duubnaan  eeg duuban². ld duub-naansho.
duubnaansho  ld duubnaan.
duubo  1. Wax fidsan laalaabasho. 2. Nabar gaarso ku duubasho. 3. Qof boqor ka dhigasho. 4. Duub madaxa ku xirasho. 5. Indho maro ku xirasho. 6. Maro guntasho.
duud  1. Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. 2. Qof odayga uu ku abtirsanayo aan wax badan ka tirsan. 3. Reer; qabiil.
duud1  1. Dhabar. 2. Meel dhulka ka sarreysa oo labada dhan dooxooyin ama togag ka xigan. duud2  Biyo yar oo weel biyood salkiisa ku jira. ld duuddo. duud3  Buuro xiriira, sanaag. duud-dhadhaabeed  (jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.
duud-garaac1  ld dhabar-garaac¹.
page : 213 of 218
<< < 208 209 210 211 212 213 214 215 216 217 218 >