Ereyga Maanta: Diilalyo
dacarbax2  Calool ama xiidmo qaras ku jirtay, ka bixid. dacarbixi  Calool ama xiidmo, qaras ku jirtay ka saarid.
dacarbixid  eeg dacarbax².
dacarbixin  eeg dacarbixi.
dacardhiig  Dabadhiig.
dacaree  1. (f.g) Wax dhadhan qaraar u yeelid. 2. (f.mg) U d.: cid, wax awood iyo xoog ugu diidid.
dacarfaal1  Qaadashada dawo iwm si ay caloosha qarasta ku jirto uga saaranto; qarasfaal. ld dacarfaalid. dacarfaal2  Caloosha si qaras ku jirto looga saaro, daawo iwm qaadasho. ld dacarfal². dacarfaalid  eeg dacarfaal². ld dacarfaal¹, dacarfal¹, dacarfalid.
dacarfal1  ld dacarfaalid. dacarfal2  ld dacarfaal². dacarfalid  ld dacarfaalid.
dacaroo  Wax dacar hayso noqosho (cid).
dacarood  eeg dacaroo.
dacas1  1. Kabo jilicsan, badanaa guriga lagu joogo oo balaastiig ka sameysan. 2. Diif; rafaad; dhibaato. dacas2  1. (f.g) Cid kabo dacas ah la dhicid. 2. (f.mg) Baabuur quwadjabid. dacati1  ld tacaddi¹. dacati2  ld tacaddi². dacatin  eeg tacaddiyid.
dacatiyid  ld tacaddiyid.
dacawamadow  Nooc dawacada ka mid ah, midab ciiro ah leh, oo caws ku nool ah. ld dawacamadow.
dacawo  ld dawaco.
dacay1  Xarig yar oo xoolaha qalka ama faruurta hoose looga xiro si loo xukumo. dacay2  Faruurta hoose ee xoolaha. dacay3  Neef, si loo xukumo, qalka hoose xarig kaga xirid. ld dacayee. dacayan  Neef, wax la dacayey ahaansho. ld dacayeysan.
dacayasho  eeg dacayo. ld dacayeysasho.
dacayayn  ld dacayid.
dacayee  ld dacay³.
dacayeysan  ld dacayan.
page : 24 of 218
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>