Ereyga Maanta: bedertami
dabbaqid  ld dabqid.
dabbar  1. Caro xad-dhaaf ah oo qofka is hanashada ka lumisa. 2. Dhagar, khayaano.
dabbaraale  1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.
dabbi  Arrin murugsan daawo u helid.
dabbin  eeg dabbi. ld dabbis.
dabbis  ld dabbin.
dabbisan  Wax daawo loo helay ahaansho.
dabbisasho  eeg dabbiso.
dabbisnaan  eeg dabbisan. ld dabbis- naansho.
dabbisnaansho  ld dabbisnaan.
dabbiso  Arrin murugsan daawaysasho.
dabboojiye  1. Bisha lixaad ee sannad qorraxeedka. 2. D.-jayaal: laba xiddigood oo waaweyn oo cirka dhiniciisa koonfur ku yaal.
dabcad  Caddad; wax la daabacay.
dabcan  Sida caadiga ah.
dabci1  Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay; baxaalli, abuur. ld dabeec (1), dabeecad (1), dabeeco, dabiicad. dabci2  ld debci². dabcid  ld debcid.
dabcin  ld debcin.
dabdamis  Ciidan qaabbilsan la dagaalanka dabka. ld debdemis.
dabdheer  1. Dabka lagu dagaallamo oo loogu talaggalay in uu meel fog wax ka dilo, wadajirkiisa. 2. Colka dabkaas sita. 3. Bundug dheer.
dabdhul  (daaw.) Cudur maqaarka ku dhaca oo u yeela baro yaryar oo biyo leh.
dabduug  Xilli roob shuux ahi ka da'o xeebaha gobollada koonfureed, taasoo ku beegan dhammaadka dabshidka.
dabeeb  Hadal dood ah. ld dabuub (1).
dabeebad  ld dabeebasho.
dabeebasho  eeg dabeebo. ld dabeebad.
dabeebo  U d.: Cid, hadal u jeedin.
dabeec  1. ld dabci¹. 2. Xiriir ka dhexeeya laba qof ama ka badan oo saaxiib ah.
dabeecad  1. ld dabci (1). 2. Noolaha iyo ma noolaha Eebbe ku abuuray dunida guudkeeda oo dhan.
dabeecadxumaan  eeg dabeecadxun. ld dabeecadxumaansho, dabeecadxumi, dabeecadxumo.
dabeecadxumaansho  ld dabeecad- xumaan.
page : 20 of 218
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>