Ereyga Maanta: Diilalyo
dabool3  1. Weel iwm si ayan wax ugu dhicin afka wax ka saarid. 2. Wax muuqaalkooda qarin. Tus. “Daruur baa cirka dabooshay”. daboolan1  1. Weel iwm wax la daboolay noqosho. 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey noqosho. daboolan2  1. Wax la daboolay ahaansho (weel iwm.) 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey ahaansho. daboole  Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. ld daboolo, ibadaboole, ibadaboolo.
daboolid  eeg dabool².
daboolmid  eeg daboolan¹.
daboolnaan  eeg daboolan². ld daboolnaansho.
daboolnaansho  ld daboolnaan.
daboolo  ld daboole.
dabqaad  Qalab yar oo sida badan dhagax jilicsan ama dhoobo ka samayan oo fooxa lagu shito.
dabqabad  Birqabad.
dabqid  eeg dabaq². ld dabbaqid.
dabraac1  1. D. ah: qof aan hanti lahayn oo qaraabadiisa, saaxiibbadiisa iwm hadba mid la cunteeya. 2. ld dabraacid. dabraac2  Cayayaan baallalley ah, waqtiyada roobka la arko oo ilayska ku soo yaaca; hawtal-hamag. dabraac3  Soo d.: qof meel allabari iwm ka jiraan cunto u raadsasho. dabraacid  eeg dabraac³. ld dabraac¹ (2).
dabradduul  Duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo.
dabramid  eeg dabran.
dabran1  Wax dabar ku xirmay noqosho (nafley). dabran2  Wax la dabray ahaansho (nafley). dabranaan  eeg dabran². ld dabra- naansho.
dabranaansho  eeg dabranow. ld dabranaan.
dabranow  Wax si joogto ah u dabran noqosho.
dabrasho  eeg dabro².
dabrayn  eeg dabree.
dabree  Ku d.: cid hore loogu duulay ku rogaal celin.
dabrid1  Tababbar ciidamada la siiyo oo lagu baro habka xabbado rididda. ld debrid. dabrid2  eeg dabar². dabrin  Qoobka iyo kubka meesha ay iska galaan; dhaad.
dabro1  1. Geed nagaar dhulka ku faalada, laamo dhuudhuuban oo jilicsan leh, xooluhu daaqaan oo dooxooyinka ka baxa. 2. (-ooyin, m.l) Weerar rogaal celis ah.
page : 22 of 218
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>