Ereyga Maanta: jaw
dabro2  Awr iwm dabar ku xirasho. dabsaar  1. Sabuulka isagoo aan bislaan oo weli curdan ah beerta laga gooyo, ka dibna inta god lagu guro la dubo. 2. Weel kasta oo dab la saaro.
dabshid  Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
dabsii  Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin.
dabsiin  eeg dabsii.
dabsoon  (daaw.) Daawo loo isticmaali jiray daweynta baraska ama juudaanka.
dabtuur  1. ld dabshid. 2. Cayaar carruurtu cayaarto. 3. ld dabrid.
dabuub  1. ld dabeeb. 2. Meel hoobad ah.
dabuubad  ld dabuubasho.
dabuubasho  eeg dabuubo. ld dabuubad.
dabuubo  1. ld dabeebo. 2. Meel hoobad ah ka daaddigid.
dabuuq  D. ah: xarig dun laga sameeyo oo fardaha lagu jareeyo.
dabweyn  1. Hub culus oo lagu dagaalamo. 2. Col hub culus ku dagaalama. ld debweyn.
dabxid  ld daabaxid.
dabyar  ld danyar¹.
dac  Biyo wasakh ah oo ku hara kaalinka ay xooluhu ka cabbaan.
dacaayad  ld dicaayad.
dacaayadee  ld dicaayadee.
dacaayadeyn  ld dicaayadeyn.
dacaayo  ld dicaayad.
dacal1  Daraf, dhinac, cirif. dacal2  Summad xoolaha loo yeelo oo dhegta dhinaceeda hoose la jeexo. dacalmadow  Qori qaar ka mid ahi gubtay.
dacar1  Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado. dacar2  1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras. dacarayn  eeg dacaree.
dacaraysan  Qof dacar haysa ahaansho.
dacaraysnaan  eeg dacaraysan. ld dacaraysnaansho.
dacaraysnaansho  ld dacaraysnaan.
dacarbax1  Bixidda caloosha qaras ku jirta ay ka baxdo.
page : 23 of 218
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>