Ereyga Maanta: miryaadis
dabeecadxumi  ld dabeecadxumaan.
dabeecadxumo  ld dabeecadxumaan.
dabeecadxun  Qof hab la dhaqan wanaagsan aan lahayn ahaansho.
dabeeco  ld dabci¹.
dabeer1  ld dameer¹. dabeer2  ld dameer². dabeyl  (daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).
dabeyl-kulul  (juqr.) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
dabgaab  1. Hub meel gaaban wax ka dila. 2. Ciidan haysta hubka noocaas ah.
dabid  eeg dab². ld dabniin.
dabiib1  1. (-bbo,m.dh) Qof yaqaan sida wax loo daaweeyo; dakhtar. 2. Dacarfal. 3. ld dabiibid. dabiib2  Cid daaweyn. dabiibid  eeg dabiib². ld dabiib¹ (3).
dabiicad  ld dabci¹.
dabiici  1. D. ah: abuurista Eebbe wax ka soo jeeda. 2. D. ah: caadi.
dabin  Bir, siriq, god iwm oo loo dhigo nafleyda si loo qabto.
dabindhuud  Neef ugaar ah oo aan gelin dabinka loo dhigo.
dabinqool  1. Siriqda xarigga la rabo in wax lagu qabto. 2. Shirqool.
dabis  1. ld tabis. Cudur xoola ku dhaca oo calanaqsiga inay liqaan u diida. 2. Nooc ka mid ah deris kunnoolka caloosha dadka ku dhasha. 3. Nooc ka mid ah suuska timirta gala.
dabjoog  Xawayaanka marabbida ah iyo xoolaha la dhaqdo.
dable  Askari aan derajo lahayn.
dabley  Dad hub haysta.
dabnaan  eeg daban. ld dabnaansho.
dabnaansho  ld dabnaan.
dabnaareed  (dii.) Dab cadaabeed.
dabniin  ld dabid.
dabo1  1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib. dabo2  1. Ugaar, kalluun iwm dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho. dabool1  1. Qalab afka laga saaro weelasha si aysan wax ugu dhicin. 2. ld daboolid. dabool2  Gudin weyn.
page : 21 of 218
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>