Ereyga Maanta: saddex-madaxle
foororsan   1. Wax la foorariyey ahaansho. 2. Wax madaxa loo hoos mariyey ahaansho. ld foorarsan.
foororsanaan  eeg foororsan. ld foorarsanaan, foorarsanaansho, foororsanaansho.
foororsanaansho  ld foororsanaan.
foororsasho  eeg foororso. ld foorarsad, foorarsasho, foorarsi, foororsad.
foororsi  ld foororsasho.
foororso   Iyadoo la taaganyahay qaarka sare hoos u laallaadsasho. ld foorarso.
fooryid  eeg foori². ld foorin.
foos   1. Dad badan oo hubaysan. 2. F. ah: qofka qaybinaya turubka qofka ku xiga ee midig ka jira.
foosil   (jool.) Hadhaaga ama raadadka ka sii muuqda raqda noole hore u jiri jirey.
foosto   ld fuusto.
footon   (fiis.) Saxar leh cuf neg oo le'eg eber, kana kooban kuwaantam kaah birlab-danabeed. F.ka waxa kale oo lagu tilmaamaa halbeeg tamar oo le'eg hf, taas oo ah ay tahay madoorsoomaha blaank iyo f oo ah rakaadka kaahinta oo lagu cabbiro Heertis. F.nadu waxa ay ku socdaan xawaaraha ileyska.
footoobeegid  (fiis.) Barashada kaahinta la arko, gaar ahaan xisaabinta iyo cabbiraadda itaalka iftiimeed, falaqaska iftiimeed iwm. Xaaladaha qaarkood, xisaabinta f.du waxa ay gaartaa ilaa hirarka birlab-danabeedka ee casaan-hoosaadka iyo altaraafiyooletka.
footoosintasis  (baay.) Dariiqadda kiimikeed ee ay dhirta cagaarani ku samaystaan iskudhisyo orgaanikeed iyaga oo ka samaysanaya kaarboon laba ogsaydh, biyo iyo ilays.
foox  Xabag laga helo geedaha qaarkood, sida maydiga oo loo shito udgin; beeyo; luubaan.
fooxaalli1  1. Geesinnimo been ah oo la muujiyo. 2. Cagajuglayn been ah oo la muujiyo. fooxaalli2   1. Geesinnimo been ah muujin. 2. Cagajuglayn been ah muujin. fooxaallin  ld fooxaalliyid.
fooxaalliyid  eeg fooxaalli². ld fooxaallin.
fooxi   1. (f.g) Foox shidid. 2. (f.g) Foox ka faallin. 3. (f.mg) Cabsasho.
fooxin  eeg fooxi. ld fooxis.
fooxis  ld fooxin.
fooxiso   Haweeney fooxa ka faallisa.
fooxiye  Nin fooxa ka faalliya.
fooxle   Wadaad joogto ahaan u fooxiya.
fosforas  (kiim.) Curiye bir ma ahe oo adke ah aadna u firfircoon; waana curiyaha labaad ururka V ee tusaha kalgalka.
fowliil1  Soo foocsanaan ama iin ku taal shay siman ama sulux ah. ld fowriir¹. fowliil2   Wax siman ama sulux ah ka soo foocsanaansho. ld fowriir². fowliilid  eeg fowliil². ld fowriirid.
fowriir1  ld fowliil¹. fowriir2   ld fowliil².
page : 65 of 73
<< < 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 > >>