Ereyga Maanta: meereysan
gadgaddoomid  ld gedgeddoomid.
gadgaddoon1  ld gedgeddoomid. gadgaddoon2  ld gedgeddoon². gadhoorad  ld kalloorad.
gadhuus  Kaalinta kan biyaha daraya ka xigta.
gadid  eeg gad.
gadiid  Waqtiga kala bara gelinka hore iyo gelinka dambe.
Gadiidale  Roob Galabtii da'a.
gadiir  Nooc ka mid ah kalluunka badda. ld gediir.
gado  Badeeco lacag ku baddalasho.
gadoob  1. Saabley. 2. Qaybta dambe ee lafdhabarta. 3. Weel aan buuxin.
gadood1  1. Lo'gisi iwm weeyraxa ay sameeyaan. 2. Kacdoon dad badani sameeyaan, iyagoo si adag uga dhiidhiyaya wax ay diiddanyihiin. 3.ld gadoodid. ld gedaad¹, gedood¹, gidaad¹. gadood2  1. Lo'gisi iwm weyrixid. 2. Dad badan, wax ay diiddanyihiin si adag uga dhiidhiyid. ld gedaad², gedood², gidaad². gadoodid  eeg gadood². ld gadood¹, gedaad¹, gedaadid, gedood¹, gedoodid.
gadoodsan  Wax gadooday ahaansho. ld gedaadsan, gedoodsan, gidaadsan.
gadoodsanaan  eeg gadoodsan. ld gadoodsanaansho; gedoodsanaan, gedoodsanaansho.
gadoodsanaansho  ld gadoodsanaan.
gadoon1  Meel godan oo ciid adag ama dhadhaab ah oo marka roobku da'o xareedda laga dhurto. gadoon2  Haan gorof ah oo la tuuray. gadow  Ul ama ka badan oo wareegsan, oo lagu xiro afka sare ee saab, wadaan, iwm. ld gedow.
gaf1  1. Khalad. 2. Meelkadhac. ld gef. gaf2  1. (f.g) Khalad samayn. 2. (f.g) Haleeli waayid. 3. (f.mg) U g.: cid meelkadhac ku samayn. gafane  Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.
gafid  eeg gaf². ld gefid.
gafsan  Wax gaf sameeyey ahaansho.
gafsanaan  eeg gafsan. ld gafsanaansho, gefsanaan, gefsanaansho.
gafsanaansho  ld gafsanaan.
gafuur  Afka iyo sanka nafleyda.
gafuurtaag1  1. Kibir iyo isla weyni wajiga ka muuqda. 2. ld gafuurtaagid. gafuurtaag2  Kibir iyo isla weyni weji ka muujin.
page : 20 of 102
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>