Ereyga Maanta: meereysan
gacankutaagle  Nin keligii tashade ah oo aan garqaadan.
gacanqaad1  1. Dagaal yar oo gacan la adeegsanayo. 2. Salaan kalgacaltooyo. 3. Siin; waxbixin. 4. ld gacanqaadid. gacanqaad2  1. (f.g) Cid gacan ku salaamid. 2. (f.g) Qof xaal siin. 3. (f.mg) Dagaal bilaabid. 4. (f.mg) U g.: cid wax ugu deeqid. gacanqaadid  eeg gacanqaad². ld gacanqaad¹ (4).
gacanqabad  ld gacanqabasho.
gacanqabasho  eeg gacanqabo. ld gacanqabad.
gacanqabo  Cid taageerid.
gacanqabsad  ld gacanqabsasho.
gacanqabsasho  eeg gacanqabso. ld gacanqabsad, gacanqabsi (4).
gacanqabsi  1. Ul ama wax la mid ah oo marka la socdo gacanta lagu qaato. 2. Lacag yar oo lagama maarmaanka lagu iibsado. 3. Lacag yar oo ganacsi lagu bilaabo. 4. ld gacanqabasho.
gacanqabso  1. Faa'iido badan helid. 2. Nin, gabar uu guursaday oo aan ciddeedu dhisin kaxaysasho.
gacansaar1  1. Iib qiimaha la bixinayo marka wax la kala gato. 2. Xiriir saaxiibnimo oo dhex mara laba qof ama ka badan. 3. G. ah: lacag caddaan ah oo wax lagu kala iibsado. 4. ld gacansaarid. gacansaar2  1. (f.g) Cid, cid dagaal ka dhexeesa la heshiin. 2. (f.mg) Is g.: cid, cid kale dagaal gacanta la adeegsanayo isweydaarasho. gacansaarid  eeg gacansaar². ld gacansaar¹ (4).
gacansarrayn  eeg gacansarree.
gacansarree  Ka g.: wax ka lib keenid.
gacansayr1  1. Diidmo. 2. ld gacansayrid. gacansayr2  Ku g.: talo, amar iwm si qayaxan u diidid. gacansayrid  eeg gacansayr². ld gacansayr¹ (2).
gacansiin  Gargaaridda, caawinidda.
gacantogaale  ld gacantogaaleyn.
gacantogaalee  1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalid (qof). 3. Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid.
gacantogaaleyn  eeg gacantogaalee. ld gacantogaale, gacantogaaleys.
gacantogaaleys  ld gacantogaaleyn.
gacantogaaleysad  ld gacantogaaleysasho.
gacantogaaleysasho  eeg gacanto- gaaleyso. ld gacantogaalaysad, gacanto- gaaleysi.
gacantogaaleysi  ld gacantogaalaysasho.
gacantogaaleyso  1. Wax durugsan laacid. 2. Ammaano loo dhiibtay ku takrifalasho (qof).
gacanyare1  Kaaliye; hoosjiooge. gacanyare2  (taar.) Bulshadii dhulgoosiga ninka ilaaliya boqorka, una qabta hawlaha militriga, kaddibna hela dhul uu ku noolaado.
page : 17 of 102
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>