Ereyga Maanta: qaflad
gacan1  Khoori. gacan2  (xis.) Xarriiq toosan ee ka timaada xuddunta kuna dhammaata bar ku taalla meeriska goobada ama fogaanta ka bilaabata xuddunta kubbad, kuna dhammaata bar ku taal dusha kubbadda. gacan3  1. Xubinta faraha leh ee dadka wax ku qabsado. 2. Xubin dheer, madaxa maroodiga ka laallaadda oo uu wax ku qabsado kana neefsado. 3. Dhegta weelasha iwm. gacan xoodnaan  Gacanka goobada ee xoodan halka bar ee xodka.
gacan-adag  Wax, waxbixinta ku adagtahay ahaansho (qof); bakhayl; muudal, dhabcaal.
gacan-adayg1  Bakhaylnimo. gacan-adayg2  Ku g.: hanti ku bakhaylid (qof). gacan-adaygid  eeg gacan-adayg².
gacan-adkaan  eeg gacan-adag. ld gacan-adkaansho.
gacan-adkaansho  eeg gacan-adkow. ld gacan-adkanaan.
gacan-adkow  Ku g.: wax hanti ku bakhaylay noqosho (qof).
gacandhaaf1  1. Faragelinta idan la'aan lagu sameeyo wax qof kale leeyahay. 2. ld gacandhaaf. gacandhaaf2  Wax dad kale leeyahay idin la'aan faragelin. gacandhaafid  eeg gacandhaaf². ld gacandhaaf¹ (2).
gacandhiib1  Qof laga dhintay waxa la siiyo. gacandhiib2  Qof laga dhintay wax siin. gacandhiibid  eeg gacandhiib².
gacandho  ld gaxandho.
gacandur  (daaw.) Mudidda xididdada dhiigga celiya midkood (aroore).
gacangal  1. Dhibaato la kulmid. 2. U g.: qof cadow ah ka xoog badan oo aan u tureyn gacantiisa gelid.
gacangeli  1. Cid dhibaato dhaxalsiin. 2. U g.: cid kale oo cadow ah gacantooda gelin.
gacangelid  eeg gacangal².
gacangelin  eeg gacangeli. ld gacangelis.
gacangelis  ld gacangelin.
gacanhaadi  1. U g.: cid gacan u lulid ayadoo salaan loola jeedo. 2. U g.: cid gacan u lulid iyadoo la wacayo.
gacanhaadin  eeg gacanhaadi. ld gacanhaadis.
gacanhaadis  ld gacanhaadin.
gacanhelid  Qof kaalmo u fidiyid.
gacanjiiddo  Cad hilib ah oo yaalla lafdhabarka, misigta korkeeda.
gacankudhiigle  Qof dambi dil ahi ku cad yahay.
page : 16 of 102
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>