Ereyga Maanta: sargadayn
gabrar  Caalir.
gabrasho  eeg gabro. ld gabaarasho.
gabrid  eeg gabar.
gabro  Nafley badan meel wada fariisasho. ld gabaaro.
gabsas  (c.nafl.) Naasley yar oo gafuur dhuuban, dabo dheer oo duf badan iyo midab casaan xigeen ah leh oo ku nool meelaha jiqda ah; saangur.
gabsho  Caano aad u dhanaanaaday oo isbeddel ku dhacay.
gabshoo  Gabsho noqosho.
gabshood  eeg gabshoo.
gabto  ld gablool¹.
gabtood  ld gablool¹.
gabtool1  ld gablool¹. gabtool2  ld gablool². gabtoolid  ld gabloolid.
gabxarar  Leg; sakaar.
gabxid  eeg gabax².
gabxo  Meel aan dhir iyo caws midna lahayn oo lamadegaan ah.
gabyaa  Nin hal-abuurka maansada yaqaan. ld gabayaa.
gabyid  eeg gabay².
gacal  1. Jacayl cid loo hayo. 2. Saaxiibtinnimo, qaraabannimo, iwm oo cid ka dhexeysa.
gacalcun  Cay kaftan ku dheehanyahay oo dad gacal ahi isujeediyaan. ld gacalcunid.
gacalcunid  ld gacalcun.
gacaliso  Qof haween ah oo aad loo jecelyahay. ld gacalo (1).
gacaliye  Nin aad loo jecelyahay.
gacalnimo  Gacal ahaansho.
gacalo  ld Gacaliso; gacaltooyo.
gacalsad  ld gacalsasho.
gacalsasho  eeg gacalso. ld gacalsad, gacalsi.
gacalsi  ld gacalsasho.
gacalso  Qof gacal ka dhigasho.
gacaltooyo  Is jeclaan iyo is qaddarin dad ka dhexeysa. ld gacalo (2).
page : 15 of 102
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>