Ereyga Maanta: meereysan
gacayr  Geed yar oo laamo jilicsan oo la cuno leh.
gacmadheere  Geed faalala oo leh bari wayn oo xooluhu ku harraadbeelaan.
gacmagelis  Harag, shiraac, balaastig iwm oo gacmaha la gashado.
gacmagooye  Nooc geed oo saaqe ah.
gacnabar  Farabar.
gacnabarid  eeg gacnabar.
gacnagube  Geed faalala oo geedaha kale isku maro, leh laamo caleemo leh, oo dhecaankiisu jirka guba.
gacnootis  Jiididda qof keligiis ah dowlis labada gacmood ku soo jiido; Nintoocsi.
gad  1. Badeeco lacag ku beddelid. 2. Wax tirid. Tus. “Roob baa raadkii gaday.” 3. Weyso burin.
gadaafee  Cid gardareysasho.
gadaafeyn  eeg gadaafee ld gadaafays.
gadaafeys  ld gadaafeyn.
gadaafo  Dulmi, gardarro.
gadaal  Docda dhabarka ku aaddan; xagga dambe; dib.
gadaal baah  (fiis.) Baahidda ama qalloocsanka hirar, marka ay dhexmarayaan dalool ama la laabmayaan wareegga geftinka oodan ama hor-joogsi sida derbi.
gadaala-aqoon  1. Aqoonta xooluhu u leeyihiin kudmada (awr). 2. Kasmo iyo aqoon u lahaasho xubnaha taranka: isutaggooda iyo sida caruurta loo dhalo ama u dhalato. ld gaadala-aqoon.
gadaalabbar1  1. Barashada, qaabka iyo xeeladaha kudmada. 2. ld gadaalabbarid. gadaalabbar2  Qaabka iyo xeeladaha kudmada barid. gadaalabbarid  eeg gadaalabbar². ld gadaalabbar¹ (2). gadaale s. Dib xiga; gadaaleeya.
gadaalkagaar  Qof dhawaan meherad, balwad iwm bilaabay oo aan waaya-aragnimo u lahayn. ld gadaalmagaar.
gadaalmagaar  ld gadaalkagaar.
gadaalo  1. Waayo dambe. 2. Xubnaha taranka ee dhaddigga.
gadaaman  Wax gadaan loo yeelay ahaansho.
gadaamanaan  eeg gadaaman. ld gadaamanaansho.
gadaamanaansho  ld gadaamanaan.
gadaan  1. Saabka weelasha qaarkiisa kore. 2. Qoriga ku wareegsan saabka fooddiisa sare.
gadaawe  Nooc kalluunka badda ka mid ah. ld geddawe.
gadabad  Nooc badda kalluunka ka mid ah.
gadaf1  1. Wax qaab wareegsan leh. 2. Wax lagu qariyo wax kale. ld gedef¹. gadaf2  1. Wax qaab wareegsan u yeelid. 2. Wax, wax kale ku dahaarid. ld gedef².
page : 18 of 102
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>