Ereyga Maanta: Diilalyo
hor-imaansho  eeg hor-imow.
hor-imow  1. Ka h.: qof hortiisa ka imaansho. Tus. “Xasan baa Cali jidka uga hor yimid”. 2. Ka h.: cid arrin, hadal iwm ku qilaafid.
horaad1  1. Naasaha xoolaha labada horreeya oo xagga xudunta xiga midkood. 2. Naasaha dumarka. horaad2  (xis.) Ururka dhammaan xubnaha hore ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh x kutirsaneyaal ee la dhigo dhidibka jiifa (dhidibka-x) ee garaaf. horaad3  Haan ama dhoon loogu horreysiiyo rarka ratiga dhaanka ah. ld kalsaar. horaadi  Hal irmaan horaad ka marid, ama ka lisid.
horaadin  eeg horaadi. ld horaadis.
horaadis  ld horaadin.
horan  Xoolo wax biyo loo horay ahaansho.
horasho  eeg horo.
horatabyee  ld horatibyee.
horatabyo  ld horatibyo.
horatibyee  1. Wax dedejin si ay u dhammaadaan. 2. Wax taqaantuqin. ld horatabyee, horutibyee, horutubyee.
horatibyeyn  eeg horatibyee. ld horatabyeyn, horutibyeyn, horutub-yeyn.
horatibyo  Dedejinta wax la rabo in ay dhaqso u dhammaadaan la dedejiyo. ld horatabyo.
horay1  Dhanka loo jeedo; hagaag; fool. ld hore. horay2  1. Hor. 2. Waqtigii hore. horayn  eeg horee. ld horid, horis, hormo, horniin.
hordeg  Cayaar turub, haad socda haad kale oo aan la nooc ahayn ku darid.
hordegid  eeg hordeg.
hordhaan  Neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
hordhac  1. Arar (suugaanta); gogol. 2. Hadal kooban oo qoraal ah, oo ujeedada buugga lagu koobo.
hordhalad  1. Curad. 2. Horgal.
hordhig  1. Wax, wax kale ku hor gudbid. 2. Arrin, dacwad iwm cid wax ka qaban karta hor gayn. 3. Cunto, cabbid iwm cid u gayn.
hordhigid  eeg hordhig.
hordiyuulam  (daaw.) Halaamacood muddo gaaban ee qanjir ku yaal baalka isha salkeeda oo uu keeno baktiiriya. Qanjirku waa adkaanaayaa dhexdiisana malax baa ku jirta.
hore  Wax safan ama socda caaradkooda ku sugan; horreeya. ld horay¹.
horee  1. (f.g) Xoolo meel ku reebid. 2. (f.mg) Ka h.: xoolo meel ka reebid. ld hor².
horfiiq  Qof dad hoggaa-miya.
horfiiqsad  ld horfiiqsasho.
page : 77 of 93
<< < 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 > >>