Ereyga Maanta: tefiir
hubanti  Wax hubaal ah.
hubayn  eeg hubee.
hubaysan1  1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata noqosho. 2. Cid arrad tiran noqosho. hubaysan2  1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata ahaansho. 2. Cid arrad tiran ahaansho. hubaysmid  eeg hubaysan¹.
hubaysnaan  eeg hubaysan². ld hubaysnaansho.
hubaysnaansho  ld hubaysnaan.
hubee  1. Cid qalab dagaal siin. 2. Cid dhar siin.
hubi  Wax runtooda gaarid.
hubid  eeg hub².
hubin  eeg hubi.
hubiwaa  Wax aan la hubin; shaki.
hubkadhigid1  Qaadidda cid hub laga qaado. hubkadhigid2  (siyaa.) Dhimid, ama joojinta isticmaalidda hubka. hubqaad  1. (-dyo, m.l) Fil lagu dagaal geli karo oo la gaaro. 2. Qaab dharka loo xirto.
hubqaadasho  Diyaar garowga iyo qalab uruursiga cid dagaal geli rabta ay samayso. ld hubqaadid.
hubqaadid  ld hubqaadasho.
hubsad  ld hubsasho.
hubsasho  eeg hubso. ld hubsad, hubsi, hubsiimo, hubsiino.
hubsi  ld hubsasho.
hubsiimo  U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. ld hubsasho.
hubsiino  ld hubsasho.
hubso  Wax xaqiiq-dooda ogaasho.
hud1  Xiidmo soo gala meel caloosha ka mid ah oo xuubkii ku dahaarnaa dillaacay. hud2  Dhar dillaacsan tolid. hud-hud  1. Shimbir yar oo dhoor, dabo dheer iyo midab qurxoon leh. 2. Qof dadka isku dira.
hudaanhutee  1. Godad isu daloolin. 2. Turaanturree.
hudaanhuteyn  eeg hudaanhutee. ld hudaanhuteys.
hudaanhuteys  ld hudaanhuteyn.
hudaanhuto  1. Godad dudumooyinku leeyihiin oo hoos isaga dal-daloola. 2 Nabar dhaawac ah oo aan hoos ka biskoon. 3. Turaanturro.
page : 82 of 93
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 > >>