Ereyga Maanta: qaflad
horfiiqsasho  eeg horfiiqso. ld horfiiqsad.
horfiiqso  Qof, garwade ka dhigasho.
horgal  Meher-kaweyne.
horid  ld horayn.
horin  1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah. ld hormo.
horis  ld horayn.
horjeed  Ka h.: wax, wax kale hortooda jooga ahaansho.
horjeedid  eeg hoorjed.
horjoog  1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid.
horjooge  Qof koox madax u ah.
horjoogid  eeg horjoog.
horjoogsad  ld horjoogsasho.
horjoogsasho  eeg horjoogsad. ld horjoogsad, horjoogsi.
horjoogsi  ld horjoogsasho.
horjoogso  Cid wax ka hor istaagid.
horjoogto  Haweeney koox madax u ah.
horkabe  (nax.) Lifaaq ku dhega ereyga bilowgiisa. Tus. “aqaan, taqaan, yaqaan”.
horkac1  1. (-cyo, m.dh) H. ah: xoolo ama dad isdabajooga oo qoodeynaya, oo mid iyaga ka mid ahi u horreeyo oo horsocdo, inta kalena dabasocoto, si aan waddada looga habaabin. 2. ld horkicid. horkac2  1. Cid hoggaamin. 2. Xoolo hor socosho si loo wado. horkannac  Nicidda la naco wax la arkay markii ugu horreysay.
horkeen1  ld horkeenid. horkeen2  1. (f.lg) Qof wax hor dhigid. 2. (f.g.) Ka h.: laba qof is tusid. 3. (f.g) Iska h.: dad isku dirid. horkeenid  eeg horkeen². ld horkeen¹.
horkicid  eeg horkac². ld horkac¹ (2).
horleh  Wax aan hore u jirin ahaansho.
hormadow  ld hurmadow.
hormar1  Koritaan dhaqaale, siyaasad, dhaqan oo la gaaro. ld horummar. hormar2  1. Ka soo horrayn. 2. Horay u socosho. hormari  1. Dad horumar gaarsiin. 2. Cid safka hore gelin. 3. Lacag iwm cid hore u siin. ld hoummari.
hormarid  eeg hormar².
page : 78 of 93
<< < 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 > >>