Ereyga Maanta: bedertami
horraysiin  eeg horraysii.
horree  Ka h.: wax, wax kale hortiisa jirid.
horro  Neef ido ah oo ilmihiisu xerada looga reebay, galabnimo dhanka aqalka u soo cararid.
horseed1  Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya. horseed2  1. Cid wax u horkicid. 2. Cid geeddiga meel la dejiyo u soo arkid. horseedid  eeg horseed².
horseednimo  Horseed ahaansho.
hortaag  Wax dhanka hore istaajin.
hortaagan  Wax, wax ku hor gudban ahaansho.
hortaagid  eeg hortaag.
hortaagnaan  eeg hortaagan. ld hortaagnaansho.
hortaagnaansho  ld hortaagnaan.
hortag1  ld hortegid. hortag2  1 (-gay, -gtay; -tegi) 1. (f.g) Cid dan laga leeyahay u tegid. 2. (f.mg) Ka h.: wax agtooda ka fogaansho. hortegid  eeg hortag². ld hortag¹.
horudhalow  Fool beenaad xoolaha qabata oo calaamadihii foosha leh.
horudhigid  Saacad iwm hore gayn.
horujeed  1. Qof wax hareerihiisa ka socda aan la socon. 2. Arday quraankii weli wada oo aan naqtiin gaarin. 3. Qof daacadnimo badan.
horukac  Horumar la gaaro.
horukicid  1. Samaynta horukac la sameeyo. 2. ld horukac.
horummar  ld hormar¹.
horummarin  1. Gaarsiinta cid horumar la gaarsiiyo. 2. Lacag yar oo cid loo qaddimo.
horummarsan  Cid horukac gaartay ahaansho.
horummarsanaan  eeg horummarsan. ld horummarsanaansho.
horummarsanaansho  ld horummar-sanaan.
horusocod  (siyaa.) Qofkii haysta fikrad horusocod, oo jecel isbeddel in uu dhaliyo.
horusocodnimo  Horusocod ahaansho.
horutibyee  ld horatibyee.
horutibyeyn  ld horatibyeyn.
horutibyo  ld horatibyo.
page : 80 of 93
<< < 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 > >>