Ereyga Maanta: qaflad
hormarin  eeg hormari. ld hormaris, horummarin.
hormaris  ld hormarin.
hormarsad  ld hormarsasho.
hormarsasho  eeg hormarso. ld hormarsad, hormarsi.
hormarsi  ld hormarsasho.
hormarso  Wax hore u qadimasho.
hormayn  eeg hormee.
hormee  1. Wax horin horin u qaybin. 2. Nafley hormo gelin.
hormo  1. ld Horin; ormo. 2. ld horayn.
hormoggal  (xis.) Isku xiridda saddex ama dhowr kutirsane oo uu u dhexeeyo xisaabfal labaale (*), taas oo natiijada aan ku xirnayn sida loo kooxeeyo lammaneyaasha kutirsaneyaal. Isugeynta iyo iskudhufashadu waa xisaabfallo hormoggala, kalagoynta iyo isuqaybintuna ma hormoggalaan.
hormoon  (baay.) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
hormosalaad1  Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco. ld qamaan¹. hormosalaad2  Meel ay wax yaalliin ama wax ka dheceen ku yaacid. ld qamaan². hormosalaadid  eeg hormosalaad². ld qamaamid.
hormuud  1. Qof kulliyad, machad iwm madax u ah. 2. Qof xeerbeegti garwadeen u ah. 3. Madax, hogaamiye.
hornaan  eeg horan. ld hornaansho.
hornaansho  ld hornaan.
hornaq  (c.cimi.) Waqti xagaaga ama jiilaalka ah marka qorraxdu dul joogto barta ugu fog woqooyiga ama koonfurta badhaha.
horniin  ld horayn.
horo  Xoolo ooman biyo hormo-hormo ugu sii daysasho.
horog  Midab madow oo xooluhu qaarka hore ku yeeshaan.
horor1  H. ah: qof ama dugaag xoog wax ku qaata. horor2  Xoog wax ku qaadasho. hororid  eeg horor².
horraan  H.kiisa, h.keeda. ld horraanti.
horraanti  ld horraan.
horrad  1. H. ah: neef dhalay oo xeradii ilmuhu ugu jireen u cararaya. 2. ld horrasho.
horrasho  eeg horro. ld horrad (2).
horrayn  eeg horree.
horraysii  Wax dhanka hore xijin.
page : 79 of 93
<< < 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 > >>