Ereyga Maanta: dhaawanaan
halabo  1. Hawl la qabtay wax ka soo baxa. 2. H. ah: Hilibka laga qasho xoolo la soo dhacay. 3. Hanti xoolaad.
halabsad  ld halabsasho.
halabsasho  eeg halabso. ld halabsad, halabsi.
halabsi  ld halabsasho.
halabso  1. Wax ordaya fuulid. 2. Faras fuulid iyadoo aan rakaabka cagta la saarin.
halac  1. Uumi kulul. 2. Olol. 3. H. ah: qof hamuun gorayo leh ama aad u cir weyn.
halacsad  ld halacsasho.
halacsan  Wax la halciyay ahaansho (hilib).
halacsanaan  eeg halacsan. ld halacsanaansho.
halacsanaansho  ld halacsanaan.
halacsasho  eeg halacso. ld halacsad, halacsi.
halacsi  ld halacsasho.
halacso  1. Wax iyadoo aan la bisleynayn olol ku dubasho. 2. Iyadoo aan laga bogan wax eegid.
halakayn  eeg halakee.
halakaysan  Wax halako ku dhacday ahaansho.
halakaysnaan  eeg halakaysan. ld halakaysnaansho.
halakaysnaansho  ld halakaysnaan.
halakee  Nafley dhaawac culus gaarsiin.
halako  Dhaawac culus.
halalaati  ld haalaati.
halalac1  ld halalicid. halalac2  H. dheh: cod lagu muujiyo dhaldhalaal. halalac3  Wax dhaldhalaalid. halalaco  Cudur geedka digirta ku dhaca oo caleenta ka daadiya.
halalicid  egg halalac³. ld halalac¹.
halamacood  Holac.
halamash  Socod kala daadsan oo si fool xun loo socdo. ld halamashle (1).
halamashle  1. ld halamash. 2. Daal, harraad iyo gaajo badan la kulmid. ld halamash.
halamashlee  Si halamash ah u socosho.
halamashleyn  eeg halamashlee.
page : 19 of 93
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>