Ereyga Maanta: saddex-madaxle
hagaas2  Nafley aan korriimo fiican helin noqosho. hagaasi  Nafley korriimo xumo dhaxalsiin.
hagaasid  eeg hagaas². ld hagaas¹ (2).
hagaasin  eeg hagaasi.
hagabsad  ld hagabsasho.
hagabsasho  eeg hagabso. ld hagabsad, hagabsi, hakabsad, hakab-sasho, hakabsi.
hagabsi  ld hagabsasho.
hagabso  1. Aragti yari awgeed tartiib u socosho. 2. Wax aan la garanayn ka hadlid. ld hakabso.
hagag1  Inkiridda laysku inkiro wax laysku ogaa. hagag2  Wax laysku ogaa inkirid. hagagid  eeg hagag².
hagan  Wax la hagay ahaansho (awr).
hagar  Isku ladidda hawl ama arrin wax ka qabashadeeda la isku lado; xoogdhabiil; dhagar.
hagarbax1  1. Si aan hagari ku jirin oo wax loo qabto. 2. ld hagarbixid. hagarbax2  Si aan hagari ku jirin oo wax loo qabto. hagarbey  Hanti la siiyo cid wax dhexdhexaadisey.
hagarbixid  eeg hagarbax². ld hagarbax¹ (2).
hagardaamayn  eeg hagardaamee.
hagardaamee  Cid hagardaamo ku samayn.
hagardaamo  Dhibaato cid aan ka digtoonayn lagu sameeyo. ld hagardaanyo.
hagardaanyo  ld hagardaamo.
haghag1  Iin qof yeesho oo u diidda in uu hadalka si bayaan ah u yiraahdo; shigshigid. ld haghago. haghag2  ld haghaglee. haghagid  ld haghaglayn.
haghagle  Qof hadalka shigshiga; shigshigow.
haghaglee  Shigshigid. ld haghag².
haghagleyn  eeg haghagaglee. ld haghagid.
haghago  ld haghag¹.
hagid  eeg hag. ld hagis.
hagis  ld hagid.
page : 15 of 93
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>