Ereyga Maanta: tafantoof
halcis  ld halcin.
halco  Jir gubtay kul ka dareemid.
halcun  1. Carjawda ka soo fiiqan cunaha ragga. 2. Qof hadalka shigshiga.
haldhaa  Gorayada keeda lab.
haldhac  1. Eray ama hadal aan la doonayn in la sheego oo si aan loo qasdiyin u soo dhacay. 2. Deelqaaf; gaf. 3. (u) Miro bislaaday oo soo daatay.
haldhacsad  ld haldhacsasho.
haldhacsasho  eeg haldhacso. ld haldhacsad, haldhacsi.
haldhacsi  ld haldhacsasho.
haldhacso  1. Geed miro bislaaday daadin. 2. Ka h.: xog la qari-nayey cid ka helid.
haldhaji  ld dhaji.
haldhami  Badar haldhan ka saarid.
haldhamin  eeg haldhami. ld haldhamis.
haldhamis  ld haldhamin.
haldhan  Badar buunshadii laga saaray.
haldhansad  ld haldhansasho.
haldhansan  Badar wax haldhankii laga saaray ahaansho.
haldhansanaan  eeg haldhansan. ld haldhansanaansho.
haldhansanaansho  ld haldansanaan.
haldhansasho  eeg haldhanso. ld haldhansad, haldhansi.
haldhansi  ld haldhansasho.
haldhanso  Badar haldhan kala bixid.
haldheji  ld dhaji.
haldhurre  1. Haldhaa gooni daaq ah. 2. Cunug gorayo kali ku ah. 3. H. ah: miro sooc ah ama qof ama neef xoolo ah oo door ah.
haleel1  ld haleelid. haleel2  1. Wax la kulmid. 2. Wax helitaankoodu muhiim yahay la kulmid. haleela-rin  Hal marka ay dhasho si dhaqso ah u rinta.
haleelid  eeg haleel². ld haleel¹.
haleelo  Geel markaa dhalay.
haleelsii  Wax, wax kale la kulansiin. ld haleeshii.
haleelsiin  eeg haleelsii. ld haleeshiin.
page : 21 of 93
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>