Ereyga Maanta: hiilley
hagnaan  eeg hagan. ld hagnaansho.
hagnaansho  ld hagnaan.
hagoog1  1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa. hagoog2  1. Wax dedid. 2. Meel har u yeelid. hagoogad  ld hagoogasho.
hagoogan  Wax hagoog leh ahaansho.
hagoogasho  eeg hagoogo. ld hagoogad.
hagoogid  eeg hagoog².
hagoognaan  eeg hagoogan. ld hagoognaansho.
hagoognaansho  ld hagoognaan.
hagoogo  1. Maro qaarka sare oo aan indhuhu ku jirin ku daboolasho. 2. Haweenay ganbo madaxa saarasho.
hagooji  Wax hagoog u yeelid.
hagoojin  eeg hagooji. ld hagoojis.
hagoojis  ld hagoojin.
hagrad  ld hagrasho.
hagrasho  eeg hagro. ld hagrad.
hagro  Si aan daacad ahayn wax u qabasho.
hah1  Dhadhan ama ur kulul oo dhirta qaarkeed yeeshaan. hah2  Eray lagu dhawaaqo marka wax la kahdo ama xanuun la dareemo. hakaabsad  ld hakaabsasho.
hakaabsasho  eeg hakaabso. ld hakaabsad, hakaabsi.
hakaabsi  ld hakaabsasho.
hakaabso  1. Guri, xero iwm irriddiisa xirid. 2. Nafley dagaalamaysa booddo isu diyaarin.
hakabsad  ld hagabsasho.
hakabsasho  ld hagabsasho.
hakabsi  ld hagabsasho.
hakabso  ld hagabso.
hakad  1. Joogsad yar oo wax soconayey sameeyaan. 2. Astaan qoraal oo kala qoqobta ereyada iyo weeraha. 3. ld hakasho.
hakad-wadneed  (c.nafl) Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.
hakah  ld haaka.
page : 16 of 93
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>