Ereyga Maanta: maneysi
iskudhis  1. Ku faanidda darajo ama hanti ee qof kale leeyahay. 2. Laba curiye ama ka badan oo si falgal kiimikeed isugu taga.
iskudhis-giraansan  (kiim.) Molikuyuul atammadiisu yihiin qool xiran, sida bensiin ama saykaloohegsayn. Marka laba giraamood u xiriirsamaan hab ay wadaagaan laba atam, waxa ay noqdaan giraan dhalaashan. Naaftaliin waxa ay tusaale u tahay iskudhis giraan dhalaashan.
iskudhoon  1. Geed iyo duddumo isku baxay. 2. Wax xubno kala jaad ah ka samaysan.
iskudhufasho  (xis.) Summad x. Xisaabfalka labaale ee lagu helo taranka laba ama dhowr xaddi. Dhinac kale marka laga eego iskudhufashadu waa isugeyn soo noqnoqata. Tusaale ahaan, 3 x 4 = 3 + 3 + 3 + 3 = 12.
iskudhufasho-foolwaa  (xis.) Iskudhu-fashada leeb iyo xaddi foolwaa ah, taas oo yaraysa ama fidisa dhererka leeb.
iskudhufasho-leeb  (xis.) Iskudhufa-shada laba ama dhowr leeb. Taas oo loo qeexi karo laba siyaabood iyada oo loo eegayo in jawaabtu tahay leeb ama foolwaa midkood.
iskufac  I. ah: laba wax oo ay da'ddoodu isku mid tahay.
iskufil  Iskufac.
iskujir  Waxyaabo kala jaad ah oo isku qasan.
iskujoog  Lebis dhan oo hal mar la isu qaadan karo.
iskukol  Isla waqti.
iskumagac  Laba wax oo hal magac wadaaga.
iskumar  I. ah: laba wax oo waqtigoodu isku mid yahay.
iskummid  I. ah: wax aan kala duwanayn.
iskunaaneysnimo  (kiim.) Jiritaanka laba ama in ka badan oo iskudhisyo kiimikaad oo leh naaneys molikiyuul isku mid ah haseyeeshee dhis-naaneys moliki-yuulka waxaa la yidhaahdaa iskunaa-neysyo.
iskunuug  Neef xoolo ah ama haweenay dhashay iyadoo la nuugayo.
iskuroor dhuun neefeed  (daaw.) Iskuroorka muruqyada dhuumaha neefta ee xiiqda (neefta) iyo dhuun neef holaca (bronkiitada).
iskushub  1. I. ah: derin ama harar la xiddeeyey. 2. Laba lammaanood oo goroyo ah.
iskushuban1  Magaalo ku taala gobolka Bari ee Soomaaliya. iskushuban2  haduu shuban ku qabto sidiisa kusii dee haba celinin! iskutaallo  Shanshada iyo bowdada ama tagoogda iyo cududda ee nafleyda.
iskutallaab  Calaamad ka kooban laba xariiqood oo dhexda si qumaati ah isaga goya; laanqayr. ld istallaab.
iskuul  ld iskool.
iskuwaa  Laba waxyaabood oo isku waqti noolaa.
iskuxidid  I. ah: laba wax oo isku fir ah.
iskuxireyaal  (nax.) Curiyeyaal hawshoodu tahay in ay isku xiriiriyaan ereyada hadalka, waxayna u kala baxaan labo koox: “xiriiriyeyaal” iyo “horyaa- layaal”.
islaami  Qof islaan ka dhigid.
islaamid  eeg islaan³.
islaamin  eeg islaami.
islaan1  1. Diinta nebi maxamed loo soo dhiibay oo muslimiintu haystaan. 2. I. ah: qof diinta nebi Maxamed rumeysan. 3. (-nno/-aammo, m.dh) Qof madaxnimo beeleed loo doortay. 4. Nin da'weyn.
page : 34 of 43
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>