Ereyga Maanta: hiilley
lows  (bot.) Geed-nagaar leh xididdo miro la cuno dhala saliidna laga sameeyo.
loxod  ld luxud.
loxos  1. Meel cusub oo markaas la degey. 2. L. ah: dad iyo xoolo degaan cusub degey.
lubbi  Qalbi; kal; laab.
lud  Hilib jiir iyo baruur isugu jira oo aan laf lahayn.
luf1   Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray. luf2   Wax yar uruurin. lufan   Xarig iwm oo duugnimo awgeed la dhammaaday oo googo'ay.
lufid  eeg luf².
lufluf1  Cunto hambo ah oo laysu soo uruuriyey. lufluf2   Cunto yar oo hambo ah uruurin. luflufid  eeg lufluf².
luflufo   Hambo uruursasho.
lug   1. Bilawga bowdada ilaa cagta ama qoobka. 2. Jeex weyn oo laag ku dara dhirna leh. 3. Socod aan gaadiid la fuushanayn.
lugabaxsasho  eeg lugabaxso. ld lugabaxsi.
lugabaxsi  ld lugabaxsasho.
lugabaxso   Socod curuqtirasho ah meel dhow ku tegid. ld majabaxso.
lugadduw   Isku l.: wax kala daadsan isu uruurin.
lugadduwid  eeg lugadduw.
lugayn  eeg lugee. ld lugays.
lugays  ld lugayn.
lugbax   Kala l.: wax iska reebid.
lugbixid  eeg lugbax.
lugcad  Libaax-badeedka jaad ka mid ah.
lugdambeedi   Cid lala socday wax yar ka harid.
lugdambeedin  eeg lugdambeedi. ld lugdambeedis.
lugdambeedis  ld lugdambeedin.
lugdheer  Garabqodo.
lugduub1  1. Fuulidda faras si deg deg ah loo fuulo. 2. Si habaysan oo lugaha loo rogrogo marka ciyaar la tumayo. ld lugduubid. lugduub2   1. Faras si degdeg ah u fuulid. 2. Ciyaar si habaysan lugaha u rogrogid.
page : 40 of 46
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 > >>