Ereyga Maanta: jaw
labeenaysi  ld labeenaysasho.
labeenayso  Labeen yeelasho.
labeensad  ld labeensasho.
labeensasho  eeg labeenso. ld labeensad, labeensi.
labeensi  ld labeensasho.
labeenso  1. Wax labeen ka qaadasho. 2. Labeen marsasho.
laben  1. Shay dhoobo ka samaysan oo la dubo qaabab badanna loo yeelo oo wax lagu dhiso. 2. Caano.
labid1  ld isdhexgal. labid2  eeg lab². lablabbo  ld lallabo.
lablabboo  ld lallaboo.
lablabbood  ld lallabood.
labmid  eeg laban¹.
labnaan  eeg laban². ld labnaansho.
labnaansho  ld labnaan.
labo1  1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; “2”. 2. Labadaba. Tus. “Labadaba way fiicanyihiin”. labo2  Wax qasasho. labood  Nafley inta labka ah ee aan dheddig ahayn.
labosaab  ld labasaab.
labxo  ld laabtaxaw.
lacaaf  1. Hilib yar oo la suro jilibka oo kalluunku soo raaco. 2. Wax kasta oo lagu soo jiito wax la ugaarsanayo; callaal. ld callaaf.
lacag  1. Warqado ama macdan xordan, qaab go'an leh oo dawlad ama banki sharci u lihi sameeyo si badeecooyinka loogu bedesho. 2. Bati.
lacagaale  (bot.) Geedgaab qodax leh oo miro la cuno, mayrax iyo xabag macaanba leh, oo ka baxa dhadhaabaha, jeerinkana la bah ah.
lacagee  Badeeco lacag ku beddelid.
lacageyn  eeg lacagee.
lacageysad  ld lacageysasho.
lacageysasho  eeg lacageyso. ld lacageysad, lacageysi.
lacageysi  ld lacageysasho.
lacageyso  1. Badeeco lacag ku beddelasho. 2. Lacag yeelasho.
lacanad1  ld nacalad¹.
page : 14 of 46
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>