Ereyga Maanta: kaahin
murre  Xabag aad u qaraar oo uu dhalo geedka dheddin oo daawo ahaan loo isticmaalo; malmal.
murriyad  Kuul qalin ama dahab ka samysan oo dumarku qaataan. ld murriyo.
murriyo  ld murriyad.
mursasho  eeg murso.
murso  Ka m.: caano, subag, malab iwm oo weel ku haray farta murugsatada ku tirsasho.
murtad  (dii.) Qof muslim ahaa oo diinta Islaamka ka baxay.
murtadnimo  (dii.) Murtad ahaansho.
murti  Ulajeeddo kasmo, aqoon iyo waaya-aragnimo ku jirto oo hadalka, heesaha, gabayada iwm laga dhex helo; xigmad.
murtiyee  Hadal, hees, gabay iwm murti u yeelid.
murtiyeyn  eeg murtiyee.
murtiyeysan  Hadal, hees, gabay iwm wax murti loo yeelay ahaansho.
murtiyeysnaan  eeg murtiyeysan. ld murtiyeysnaansho.
murtiyeysnaansho  ld murtiyeysnaan.
murud  Caano, subag, malab iwm inta ku dhegta gidaarka ama salka weel. ld murug² (2), mudur.
murudsad  ld murudsasho.
murudsasho  eeg murudso. ld mudursad, mudursasho, mudursi, murudsad, murugsad, murudsato.
murudsato  Farta gacanta oo suulka iyo fardhexada u dhexeysa. ld murugsato.
murudso  Subag, caano, malab iwm oo weel ku haray far ku leefid. ld mudurso, murugso.
muruf  ld mirif.
murug1  1. Cayayaan geedka digirta ka cuna caleenta. 2. Isku marmidda xarig, dun iwm ay isku milqaan. murug2  1. ld murugo 1. Uurkutaallo; caloolxumo. 2. ld murud. murug3  1. Xarig iwm si aad ah isku dhex gelid. 2. Arrin iwm wax aan la xallin karin noqosho. murugee  Cid murugo gayeysiin.
murugeyn  eeg murugee.
murugeysan  Cid wax murugo hayso ahaansho.
murugeysnaan  eeg murugeysan. ld murugeysnaansho.
murugeysnaansho  ld murugeysnaan.
murugo1  ld murug² (1). murugo2  (c.naf.) Xaalad maskaxeed oo qofku aad u qalbi xunyahay. Dhaqdhaqaaqu wuxuu noqon karaa mid kacsan oo aan xasillooneyn ama mid gaabiya oo an firfircooneyn. Dabeecadda qofka waxa ka muuqata rajobeel iyo beelosheeg. Hurdada, cuntada iyo fakarkaba oo xumaada. murugoo  Murugo dareemid. ld murgoo.
page : 122 of 131
<< < 117 118 119 120 121 122 123 124 125 126 127 > >>