musallifin eeg musallifi. ld masallifin, musallafin.
musallifnimo Musallif ahaansho. ld musallafnimo.
musallifsan Wax musallifay ahaansho. ld masallafsan, musallafsan.
musallifsanaan eeg musallifsan. ld masallafsanaan, masallafsanaansho, musallafsanaan, musallifsanaansho.
musallifsanaansho ld musallifsanaan.
musannif Qof wax curiya.
musannifnimo Musannif ahaansho.
musaraar1 1. ld musaraarid. Ku farxidda qof aad ugu farxo wax uu helay. 2. Argagax ama sas ama wax kale oo lala maanwareero; jidbo. musaraar2 Qof si aad ah u farxid, musaraar ku dhicid. ld musareer², musuraar². musaraarid eeg musaraar². ld musaraar¹ (1), musareer¹, musareerid, musuraar¹ .
musaraarsan Wax aad u fararxsan ahaansho. ld musareersan, musuraarsan.
musaraarsanaan eeg musaraarsan. ld musaraarsanaansho, musareersanaan.
musaraarsanaansho ld musaraarsanaan.
musareed Xerada ariga aaggeeda.
musareen 1. Laba xiddig oo waaweyn oo ka soo baxa cirka dhankiis koofureed. 2. Dabayl sanadka bishiisa koowaad ama labaad ka dhacda woqooyiga Soomaaliya.
musareer1 ld musaraarid. musareer2 ld musaraar². musareerid ld musaraarid.
musareersan ld musaraarsan.
musareersanaan ld musaraarsanaan.
musareersanaansho ld musaraarsanaan.
musbaar1 ld musmaar¹. musbaar2 ld musmaar². musbaaran ld musmaaran.
musbaarasho ld musmaarasho.
musbaarid ld musmaarid.
musbaarnaan ld musmaarnaan.
musbaarnaansho ld musmaarnaan.
musbaaro ld musmaaro.
musbaax ld misbaax.
page : 125 of 131
<< < 120 121 122 123 124 125 126 127 128 129 130 > >>