Ereyga Maanta: nadalo
mushaalli  Cunto jilicsan oo laga sameeyo badar iyo biyo laysku kariyey oo noqda hoore rib ah; shurbad. ld mishaari, mushaari.
mushaalliyee  Badar mushaalli ka dhigid. ld mishaariyee, mushaariyee.
mushaalliyeyn  eeg mushaalliyee. ld mishaariyeyn, mushaariyeyn.
mushaar  Lacagta qof hawl uu qabto laga siiyo bishii. ld munshaar, munshaaro, mushaaro.
mushaari  ld mushaalli.
mushaariyee  ld mushaalliyee.
mushaariyeyn  ld mushaalliyeyn.
mushaaro  ld mushaar.
mushaax1  1. Socod aayar ah oo xarrago ku jirto; tamashle. 2. ld mushaaxid. mushaax2  Si tartiib ah oo xarrago ku jirto u socosho. mushaaxid  eeg mushaax². ld mushaax¹ (2).
mushkilad  Dhib aad u weyn. ld mushkilo.
mushkilo  ld mushkilad.
mushqaayad  Hanti yar oo la siiyo qof hawl qabtay.
mushrig  (dii.) Qof Eebbe midnimadiisa shariig u yeela; gaal.
mushtaki  Qof dacwo qaba.
mushtar  1. Meeraha shanaad oo u dhexeeya mariikha iyo sulka; cirjeex; cirjiir. 2. (-ryo, m.dh) Ganacsi.
mushtari  Qof mushtar sameeya; ganacsade.
mushteeg1  1. Illow. 2. Gef. mushteeg2  1. Ka m.: illoobid. 2. Ka m.: gefid. mushteegid  eeg mushteeg².
musiibo  Dhibaato weyn; belaayo; hoog. ld masiibo, masuubo.
muskullux  1. M. ah: wax aan wasaq lahayn. 2. (dii.) M. ah: wax aan nijaaso lahayn.
muslimad  (dii.) Haweeney diinta Islaamka rumaysan.
muslimi  (dii.) Cid muslin ka dhigid.
muslimid  eeg muslin².
muslimin  eeg muslimi.
muslin1  (dii.) Qof diinta Islaamka rumaysan. muslin2  (dii.) Diinta Islaamka rumayn. muslinnimo  (dii.) Muslin ahaansho.
page : 126 of 131
<< < 121 122 123 124 125 126 127 128 129 130 131 >