Ereyga Maanta: kaahin
murugood  eeg murugoo. ld murgood.
murugsad  ld murudsasho.
murugsan  1. Xarig iwm wax murgey ahaansho. 2. Wax murug hayso ahaansho.
murugsanaan  eeg murugsan. ld murugsanaansho.
murugsanaansho  eeg murugsanow. ld murugsanaan.
murugsanow  Wax murugsan ahaansho.
murugsasho  ld murudsasho.
murugsato  ld murudsato.
murugso  ld murudso.
muruq1  Xanuun ka yimaada muruq gala ama ku roora meel aan meeshiisii ahayn (sida kan lafta garabka hoosteeda gala). muruq2  (c.nafl.) Sooh unugyadiisu ay leeyihiin awood isku roor iyagoo sameynaya xoog ama dhaqaaq. Muruqyadu waxay leeyihiin, habab ay tamarta kiimikaad ugu rogi karaan tamar makaanikaad. muruq diillimaysan  (c.nafl.) Sooh muruqyada jirku ka sameysanyihiin, waxa kale oo loo yaqaan muruq qalfoofeed, maxaa yeelay wuxuu ku dheganyahay qalfoofka wuxuuna dhaqaajiyaa lafaha; waxa kale oo loo yaqaan muruqa loo taliyo maxaayeelay dhaqaajintisu waxay ku xirantahay qofka taladiisa.
muruq iraadi ah  (c.nafl.) Muruq dhaqdhaqaaqiisa lagu xukumo rabitaan, inta badanna waxa uu ku dhegsanyahay qalfoofka.
muruq iraadla'  (c.nafl.) Muruq aan dhaqdhaqaaqiisa xukumin rabitaan, laakiinse uu wado habdhiska darenwadka iswada. Inta badan waxa uu ku dhacaa falnaq.
muruq miiqle  (c.nafl.) Muruq lagu xukumo rabitaan oo guud ahaanba ku dheggan qalfoofka. Muruqa keli ahi waxa uu ka koobanyahay rucub ah miiqyo muruq oo dheer, mid walibana wuxuu leeyahay bu'o badan, muruqa oo dhan waxa ku daboolan xuub nudo iskuxidhayaal adag oo midwaliba ku xidhanyahay dhammaadka lafta.
muruq sisiban  (c.nafl.) Muruq waxqabadkiisa aan la xukumi karin, xukunkiisu waxa uu hoos yimaadaa habdhiska dareenwadka dhexe. Muruq iraadla'oo ka kooban unugyo dhaadheer oo qaab toobin oo kale ah oo aan miiqnayn. Unugyadaas waxa loo helaa keli keli, kooxo ama waxay ku fidsanyihiin maqaarka, waxay ku wareegsanyihiin gummudka timaha, waxa kale oo laga helaa marinka dheefshiidka, marinka hawada, marin kaadi taranka iyo habdhiska wareegga dhiigga.
muruq-roor  (daaw.) Muruq iskuroor xoog weyn oo dhici kara ama cudur guud ahaan jirka saameeya sida: curyaamidda muruqa koogsan. Ama meel kooban ee jirka xaalad xanuun badan awgeed.
muruqmaal  Qof shaqaale ah oo aan farsamo gaar ah lahayn, kuna nool waxa ka soo baxa xooggiisa. ld addinmaal.
muruqmaalid  Shaqo gacmeed.
muruqxanuun  (daaw.) Iskuroorid muruq iyo xanuun muddo dheer socda.
murux1  1. Miraha qaarkood sida garaska iwm oo dubkii kore laga qaaday. 2. M. ah: qof qaawan. 3. M. ah: wax aan diir lahayn. 4. ld murxid. murux2  Wax dubkii ka dhacay noqosho. muruxsan  1. Wax la murxiyey ahaansho. 2. Wax qaawan ahaansho.
muruxsanaan  eeg muruxsan. ld muruxsanaansho.
muruxsanaansho  ld muruxsanaan.
murwee  Cid sharfid ama maamuusid. ld marwee.
murweyn  eeg murwee. ld marweyn.
murweysan  Cid wax la sharfay ahaansho. ld marweysan.
murweysnaan  eeg murweysan. ld marweysnaan, marweysnaansho, murweysnaansho.
murweysnaansho  ld murweysnaan.
page : 123 of 131
<< < 118 119 120 121 122 123 124 125 126 127 128 > >>