Ereyga Maanta: hiilley
macatab  (dii.) Shay qaab iskutallaab leh oo dadka kiristaanka ah astaan diineed u ah.
macawis  Maro, inta badan midabbo leh, labada daraf iskaga tolon oo raggu qaarka hoose ka xirtaan.
macayn  ld macaaneyn.
macays  ld macaaneyn.
macaysad  ld macaaneysasho.
macaysasho  ld macaanaysasho.
macayshad  Cuntada lagama maarmaanka ah ee lagu noolaan karo. ld maceeshad, maciishad.
macaysi  ld macaanaysasho.
macayso  ld macaaneyso.
macbiil  ld macbil.
macbil  1. ld macbiil, macmiil. Cid si joogta ah meel wax uga gadata ama uga iibsata. 2. ld macaammilo.
macbilad  ld macbilasho.
macbilasho  eeg macbilo. ld macbilad.
macbilo  Shay xumaaday si loo isticmaalo dib u hagaagaasho.
macbuud  (dii.) Eebbe; Alle.
macdaar  Dukaan yar oo cunto iwm oo tafaariiq ah lagu gado.
macdan1  (macaadin, m.dh) 1. Dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka hoostiisa. 2. Walax bir ama birwalb ah oo dhulka gudihiisa laga helo sida dahabka, maarta, batroolka. 3. Maaddada alumminyam. macdan2  (macaadin, m.dh) (kiim.) Walax dabiici ah, oo noole aan ahayn ama aan ka imaan, oo leh isku dhis kiimikaad, isla markaasna leh astaamo fisikeed iyo kiimikeed oo cad. Halkaa waxaa ah ilaa 2000 macdanood oo la maranayo, oo leh qaabab wiriqeed oo kala duwan, laakiin macaadinta bah wadaagta ah kala duwanaashahoodu waa yaryahay. macduun  M. ah: wax helitaankiisu dhif iyo naadir ah.
macduur  (dii.) M. ah: qof waajib uu gudan lahaa ka baaqdo cudurdaar awgii; marmarsiinyo haysto.
macduurnimo  (dii.) Macduur ahaansho.
macee  ld macaanee.
maceeshad  ld macayshad.
machad  Dugsi mihnadeed oo ka heer sarreeya dugsiga sare, kana heer hooseeya kulliyad jaamacadeed.
maci  ld macaan².
maciin1  ld miciinid. maciin2  ld miciin². maciindarro  ld miciinddarro.
maciinid  ld miciinid.
maciinla'aan  ld miciinla'aan.
page : 14 of 131
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>