Ereyga Maanta: hiilley
macagtow  Nafley, balwad iwm barashadoodu ka hariwaayid.
macal  Cadka aan lafta lahayn oo cunaha idaha ka laallaada.
macalgad  Fandhaal macdan ah oo cuntada lagu cuno, qaaddo. ld macalgo, maclaqad, malcaqad, malgacad, malqacad.
macalgo  ld macalgad.
macallimad  Haweenay arday wax barta.
macallin  Nin arday wax bara.
macallinnimo  Macallin ahaansho.
macaluul1  Dhuubnaan ama xayeesinnimo ku dhacda nafleyda oo ka dhalata nafaqadarro. macaluul2  Naflay nafaqo-darro ama jirro darteed u caatoobid. macaluulan  Nafley caato ahaansho. ld macaluushan.
macaluuli  Nafley caateysiin.
macaluulid  eeg macaluul². ld macaluulis².
macaluulin  eeg macaluuli. ld macaluulis¹.
macaluulis1  ld macaluulin. macaluulis2  ld macaluulid. macaluulnaan  eeg macaluulan. ld macaluulnaansho, macaluushanaan, macaluushanaansho.
macaluulnaansho  ld macaluulnaan.
macaluushan  ld macaluulan.
macaluushanaan  ld macaluulnaan.
macaluushnaansho  ld macaluulnaan.
macandi  1. Cunto macaan oo nafaqo leh. 2. Barwaaqo, nabadgelyo, caafimaad. ld macaddi.
macangag1  M. ah: qof aan waxba laga dhaadhicin karin. macangag2  Ku m.: arrin diididdeeda ama fulinteeda ama aad ugu adkeysasho. macangagid  eeg macangag².
macangagnimo  Macangag ahaansho.
macarifad  Aqoon fiican oo wax loo leeyahay.
macasalaamee  Qof laga tegayo sii nabadgelyeyn.
macasalaameyn  eeg macasalaamee. ld macasalaameys.
macasalaameys  ld macasalaameyn.
macasalaamo  Nabadgelyo.
page : 13 of 131
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>