Ereyga Maanta: jaw
macsuum1  Qof martiqaad loo fidiyey. macsuum2  Cid marti qaadid. macsuuman  Qof la macsuumay ahaansho.
macsuumid  eeg macsuum².
mad1  1. Dhagax midab madow leh oo haddii la isku dhufto dab dhala oo buuraleyda laga helo. 2. Jiididda la jiido shaqal af carabi ah marka lagu dhawaaqayo. ld med¹. mad2  1. Qof dhagax la dhicid. 2. Shaqal af carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid. ld med². mad'hab  ld mad-hab.
mad-hab  (dii.) Afarta dugsi oo waaweyn ee fiqiga Islaamka middood (Xanafi, Shaafici, Xanbali iyo Maaliki). ld madhab.
madaa'iix  eeg madiix¹.
madaabax  Goodir lab oo aad u weyn.
madaafiic  eeg madfac.
madaal  1. Weel badarka iwm lagu cabbiro. 2. Badar dhan hal madaal muggis.
madaali  Badar iwm madaal ku cabbirid.
madaalin  eeg madaali. ld madaalis.
madaalis  ld madaalin.
madaar1  1. Gadgaddoonka iyo taaha uu qof buka sameeyo xanuun awgiis. 2. Cida ay sameeyaan xoolo ilmohooda u soo insaarixinaya. madaar2  1. Qof buka, xanuun awgiis taah iyo gadgaddoon samayn. 2. Xoolo ilmohooda u soo insaarixin. madaarid  eeg madaar².
madaddaalad  ld madaddaalasho.
madaddaalasho  eeg madaddaalo². ld madaddaalad.
madaddaali  Cid maawelin.
madaddaalin  eeg madaddaali. ld madaddaalis.
madaddaalis  1. Maaweelinta cid la maaweeliyo. 2. ld madaddaalin.
madaddaalo1  Wax xiiso leh oo waqtiga la isku dhaafiyo. madaddaalo2  Wax xiiso leh waqti isku dhaafin. madag  Qori gaaban oo sida badan geedka docolka, mareerka iwm laga qoro oo inta dhexda fantax yar looga yeelo ul yar oo af siman leh lagu fariisiyo, kaddibna xoog loo xurbiyo ilaa uu dab ka dhasho.
madal1  1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. ld madar². madal2  Qof ballamid. madalbaaji  Meel lagu ballamay ka maqnaasho (qof).
madalbaajin  eeg madalbaaji. ld madalbaajis.
page : 16 of 131
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>