Ereyga Maanta: codlaawe
maarso1  Bisha saddexaad ee sannadka miilaadiga ah. maarso2  1. Ka m.: arrin falkeeda ka cabsasho; biqid. 2. Ka m.: wax fursasho. maaruq  Roob si aad ah u di'id.
maaruqid  eeg maaruq.
maas  1. Dhul nabaadguuray. 2. Dhul la abuuray oo aan weli wax ka soo bixin. 3. Deyn. 4. Saanta lo'da oo la magdiyey. 5. Midab guduud xigeen ah oo geelu yeesho.
maasha  (nax.) Xiriiriye tilmaamaya waxa ku dhashay sabab. Tus. “Maasha xaashiyuhu duule ee dabayl baa jiidday”. ld maansha.
maashayn  eeg maashee. ld maashays.
maashays  ld maanshayn.
maashee  Hafin.
maashi  Xoolo cid laga soo kaxaystay si loo maalo kaddibna loo celiyo. ld maal¹ (2).
maashii  Cid xoolo irmaan oo uu muddo maalo siin.
maashoo  Biyo, hadal iwm ku harqasho.
maashood  eeg maashoo.
maasuud  Bir weyn oo libaax-badeedka lagu dilo marka badda laga soo saaro.
maasuudi  Libaax - badeed maasuud ku dilid.
maasuudin  eeg maasuudi.
maati  ld maato.
maato  1. Dadka intiisa tamarta yar sida carruurta, waayeelka, iyo haweenka. 2. ld maati. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wax nin u eg ku sawiranyahay, mar kastana raaci karta; jookar.
maaweeli  Cid si xiiso iyo raaxo leh waqtiga ku dhaafin.
maaweelin  eeg maaweeli. ld maaweelis.
maaweelis  ld maaweelin.
maaweelo  Madaddaalo.
maax1  Biyo badan oo ceel ku jira, oo dhulka hoose ka soo baxay. maax2  Biyo dhex marid. maaxad  ld maaxasho.
maaxasho  eeg maaxo. ld maaxad.
maaxi  1. Ceel biyihiisa muddo u deyn si uu maax u yeesho. 2. Biyo calowsan muddo dhigid si gufarku uga fariisto.
maaxid  eeg maax².
maaxin  eeg maaxi.
maaxo  1. Ceel maax yeelasho. 2. gabay, hees oo badan iwm allifid. 3. Ku m.: wax horey la isugu ama la isu faray dib u soo xusuusasho. 4. Biyo calowsan kala miirmid.
page : 10 of 131
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>