Ereyga Maanta: gurguurto
qosolgariir2  Naxdin iyo yaxyax awgood la qoslid. qosolgariirid  eeg qosolgariir².
qosolkujaab  Shey taya xun leh oo dhadhalaala.
qotin  (kiim.) Xubin kasta oo ka mid ah qalab danabeed taas oo sii daysa ama jiidata elektaroonno ama saldanabsideyeyaal kaleba. Qotinka waxa kale oo lagu isticmaalaa leexinta saxarrada saldanabaysan iyada oo la adeegsanayo falka badadda danabka nagi ee qotinku dhaliyo.
qotintabane  (kiim.) Qotin leh kayd danab taban, soona jiita ayoonnada togan, marka danab-soociddu dhacayso, waana bixiye elektaroon.
qotintogane  (kiim.) Qotin leh keyd danab togan, soona jiita ayoonnada taban, marka danab-soociddu dhacayso.
qoto  ld qoddo.
qoto-ekeeye  (juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad, oo isku xira baraha badda hoosteeda ah oo guntoodu isku dherer tahay.
qotome  (xis.) Waxyaabo ay isku qotomaan, tusale ahaan: laba xood waa ay isku qotomaan haddii taabteyaashoodu halka barta isgoyska ay yihiin qotome.
qotomi  Weel, qori iwm salka dhulka u dhigid.
qotomid  eeg qoton². ld qoton¹ (2).
qotomin  eeg qotomi.
qoton1  1. Joog; dherer, taagnaan. 2. ld qotomid. qoton2  Weel, iwm meel salka ku hayn. qotonsad  ld qotonsasho.
qotonsan  Wax meel la qotonshay ahaansho (weel, qori, iwm).
qotonsanaan  eeg qotonsan. ld qotonsanaansho.
qotonsanaansho  ld qotonsanaan.
qotonsasho  eeg qotonso. ld qotonsad, qotonsi.
qotonsi  ld qotonsasho.
qotonso  1. (f.g) Weel, qori iwm meel si joog ah u joojin. 2. (f.mg) Meel fadhiisasho ama istaagid (qof).
qow-weyn  (juqr.) Bohol weyn oo hoos u qodan oo leh dhinacyo dhadhaabeed oo tiiro toosan leh. Waxaa badanaa sameeya tog mara dhul oomane ah o gooya dhadhaabaha jilicsan.
qowjad  Q. ah: nin aad u qiimo badan.
qowlad  ld qol.
qowlannimo  Qowle ahaansho.
qowle  Dad aan shaqo lahayn oo dadka kale dhaca. ld qawle, qowleysato.
qowleysasho  eeg qowleyso.
qowleysato  ld qowle.
qowleyso  Si qowlaystenimo ah u noolaansho.
qowmiyad  ld qawmiyad.
page : 72 of 86
<< < 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 > >>