Ereyga Maanta: gurguurto
qubleey  Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed; maanyo, manyiikay; libin.
qubnaan  eeg quban. ld qubnaansho.
qubnaansho  ld qubnaan.
qubo1  Xamaarato badda ku nool oo diinka la bah ah. qubo2  Wax daadasho. qubsii  Ka q.: hoore hal mar si aayar ah u kabbasho.
qubsiin  eeg qubsii.
qubul  Q. ah: neef geel ah oo shilis.
quburi  Q. ah: qof ahmiyad gaar ah siiya ku cibaadeysiga qubuuraha.
qubuul  Oggolaansho.
qubuur  eeg qabri. ld qabuuro.
qubuurro  eeg qabri. ld qabuuro.
qudde  1. Qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado. 2. ld qunde (2). Fandhaal weyn oo qori ka samaysan; qarsin; dhure.
quddee  Qudde ku la shub.
quddeyn  eeg quddee.
qudduuc  Qof waxbixinta ku iimaan xun.
qudduucnimo  Qudduuc ahaansho.
qudkool  ld qutool.
qudrad  1. Awood; tamar. 2. ld khudrad.
qudunquute  ld qudunquuto.
qudunquuto  Shimbir qooleyda xoogaa ka weyn, leh midabbo kala duwan, gafuur dheer oo soo yara godan oo guduudan. ld qudunquute, quudquuto, quutaquute, quutaquuto.
qudur  Q. ah: nin aad bakhayl u ah.
qudurad  Haweeney aad bakhayl u ah.
quduro  Yaab; amakaag.
quf  Wax meel ka buuxaan in in uga soo saarid.
qufac1  1. Neef xoog iyo shanqar leh oo ka dhalata cuncun ku dhaca hawo mareenka ama hunguriga cad kana soo baxda afka. 2. Cudurka qaaxada oo ku dhaca sanbabka. qufac2  1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid. qufad  Weel aabbur leh oo cawda laga sameeyo oo alaabada yaryar lagu gurto; gunnad.
qufan  Wax meel ay ku guda jireen laga soo qufay ahaansho.
qufasho  eeg qufo.
page : 74 of 86
<< < 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 > >>