Ereyga Maanta: gurguurto
qows  ld qaws.
qowsaar  1. Nin dadka u raaca xoolaha ama u dhaqa oo markuu in muddo ah joogaba xoolaha wax laga siiyo. 2. Nin had iyo jeer xoolo gaar ah aan ka harin. 3. Nin xoog badan.
qox  Nooc dhirta la isku daaweeyo ka mid ah oo qararka ka baxa.
qoy  Wax qoyaan gaarsiin.
qoyaami  Wax qoyaan gaarsiin.
qoyaamin  eeg qoyaami.
qoyaan  Raadka uu ku reebo hoore siiba biyo ama caano iwm shey uu saameeyey.
qoyan  Wax qoyaan gaaray ahaansho.
qoyanaan  eeg qoyan. ld qoyanaansho.
qoyanaansho  ld qoyanaan.
qoyid  eeg qoy.
qoyn  eeg qoo.
qoys  1. Laba isu dhexda iyo carruurtooda; xaas. 2.Qolo; reer.
qub1  Diir; dub; qolof. qub2  Shanqar, dhawaaq (wax la garaacay). qub3  Wax weel gudahiisa ku jira daadin. qubad1  Badar aan la abuurin ee iskii iasaga baxa. qubad2  ld qubasho. quban  Wax la qubay ahaansho.
qubasho  eeg qubo². ld qubad².
qubbad  1. (-do, m.l) Dhismo kubbad nuskeeda sare u eg oo laga dul dhiso masaajiddada, kaniisadaha, qabuuraha iyo guryaha qaarkood. 2. Badda inteda xeebta ka fog. ld qubbo.
qubbad shiileed  (jool.) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
qubbo  ld qubbad.
qubee  U q.: cid biyo ugu mayrid. ld qabee.
qubeyn  eeg qubee. ld qabeyn, qabeys, qubeys.
qubeys  ld qubeyn.
qubeysasho  eeg qubeyso. ld qabeysasho.
qubeyso  Biyo ku mayrasho. ld qabeyso.
qubid  eeg qub².
quble  1. ld qoble. Roob muddo dheer da'a oo aan biyo badan lahayn. 2. Neef lab oo la dhufaanay; mallooli. 3. Neef aad u caato ah.
page : 73 of 86
<< < 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 > >>