Ereyga Maanta: dalankacee
quluulad  ld quluulasho.
quluulasho  eeg quluulo.
quluulo  Xoolo da'weyn ama dad nafaqaxumo awgeed meel uga kici waayid.
qumannimo  Qumay ahaansho.
qumanyannimo  Qumanyo ahaansho. ld qumayanimo.
qumanyaysad  ld qumanyaysasho.
qumanyaysasho  eeg qumanyayso. ld qumanyaysad, qumanyaysi, qumayaysad, qumayaysasho.
qumanyaysi  ld qumanyaysasho.
qumanyayso  Qof nafley ama wax kale oo qiima leh il wax ku yeelid. ld qumayayso.
qumanyo  Q. ah: naag karti u leh in ay il cid wax ku yeelayso. ld qumayo.
qumaqase  Gobaha qoriga ka samaysan kan ugu fiican.
qumay  Q. ah: nin la aaminsanyahay in uu isha wax ku dhibaataysan karo.
qumayanimo  ld qumanyannimo.
qumayaysad  ld qumanyaysasho.
qumayaysasho  ld qumanyaysasho.
qumayayso  ld qumanyayso.
qumayeysi  ld qumanyaysasho.
qumaynnimo  Qumay ahaansho.
qumayo  ld qumanyo.
qumbaar  Tuke.
qumbac  1. Geed aan qodax lahayn oo geedaha kale ku faalala, baxshana miro macaan oo la cuno. 2. Gabooye.
qumbacasho  eeg qumbaco.
qumbaco  Qof jirro ka soo bogsoonaya oo howl galay dhibaato la kulmid.
qumbahool  ld qumbahoole.
qumbahoole  Qalab leh af u eg kan mishaarta oo qumbaha lagu xoqo, gadaalna ku leh qori dheer oo lagu fadhiisto. ld qumbahool.
qumbe  1. Geedka naarjiinka. 2. Miraha geedka naarjiinka. 3. Xasdharaad yaryar oo dhiigga xoolaha ka nuuga. 4. (-bayaal, m.l./dh) Weel harag ka samaysan oo subagga lagu shubto. ld qunbe.
qumbulad  Bambo weyn.
qumi  1. (f.g) Xoolo kaxayn. 2. (f.mg) U q.: awr hal abaahinaya caarka ugu toosin. 3. (f.mg) U q.: cid arrin iwm u fulin.
qumid  eeg qun².
qumin  eeg qumi.
page : 77 of 86
<< < 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 > >>