Ereyga Maanta: gurguurto
qufe  Geedgaab leh laamo dhudhuuban iyo caleemo yaryar oo ka mid ah dhirta dawada.
qufici  Ka q.: cid qufac ka keenid.
quficid  eeg qufac².
quficin  eeg qufici.
qufid  eeg quf.
qufnaan  eeg qufan. ld qufnaansho.
qufnaansho  ld qufnaan.
qufo  Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho.
qufraan  Dembi dhaaf Ilaah bixiyo.
quful1  1. (-llo, m.dh) Xubinta taranka ee gammaanka lab. 2. ld qafil 1. 3. qafilid. quful2  ld qafil². qufulad  ld qafilid.
qufulan  ld qafilan.
qufulasho  ld qafilasho.
qufulid  ld qafilid.
qufulnaan  ld qafilnaan.
qufulnaansho  ld qafilnaan.
qufulo  ld qafilo.
qujayn  eeg qujee. ld qujays.
qujays  ld qujayn.
qujee  1. Cid wax ku mudmudid si looga xanaajiyo. 2. Meel duleesha wax ku gufayn. 3. Cid hadal ay kahsanayso ku dhihid.
qul  1. Amuur. 2. Maqaar weyn qaab jawaan u tolan oo badar lagu shubto.
qulaami  1. Ku q.: qof jirran jeenan siin. 2. ku q.: nafley wax ay cabto si khasab ah afka ugu shubid.
qulaamin  eeg qulaami. ld qulaamis.
qulaamis  ld qulaamin.
qulaan  1. Weel naas ama ib leh oo dadka aan wax cabbi karin wax lagu cabsiiyo. 2. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wiil ku sawiranyahay oo u dhexeeya raanida iyo tobonlaha.
qulaanqulshe  (c.nafl.) Qaybta hore ee hunguri cadka afar addinleyda lafdhabarta leh, halkaasi oo berribiyoodka, xammaaratada, iyo naasleydu ay ku leeyihiin anduuqyada codka. ld qulaanqulye.
qulaanqulye  Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguri cadka korkiisa ku yaal. ld qulaanqulshe.
qulban  Turub wax la qulbay ahaansho.
qulbanaan  eeg qulban.
page : 75 of 86
<< < 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 > >>