Ereyga Maanta: gurguurto
qorraxoo  Wax kuleyl badan ku dhacay noqosho.
qorraxood  eeg qorraxoo.
qorraxsad  ld qorraxsasho.
qorraxsasho  eeg qorraxso. ld qorraxsad, qorraxsi.
qorraxsi  ld qorraxsad.
qorraxsiidhac  ld qorraxdhac.
qorraxsin  Jahada ay qorraxda u dhacdo.
qorraxso  Qorrax isu dhigid (qof).
qorshayn  eeg qorshee. ld qorshe (2).
qorshe  1. Nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo. 2. ld qorshayn.
qorshe qoys  1. Isticmaalka dawo si loo dhimo ama loo kala dheereeyo dhalashada ilmaha ee qoys. 2. Habab ka hortagga dhalmada oo ay bulsho ama dal uu ku dhaqanto.
qorshee  Hawl sidii loo qaban lahaa u nidaamin.
qoryarare  Xarig dheer oo sida badan saan ka samaysan oo dhigaha hoos looga xirxiro.
qoryasho  eeg qoryo.
qoryayn  eeg qoryee.
qoryee  1. Wax qori ku mudmudid. 2. Qof hadal ka raadin.
qoryeysad  ld qoryeysasho.
qoryeysan  Dab qoryo badan lagu shiday ahaansho.
qoryeysasho  eeg qoryeyso. ld qoryeysad, qoryeysi.
qoryeysi  ld qoryeysasho.
qoryeyso  Qoryo gurasho.
qoryo1  Qori. qoryo2  Qoryo dhirirkooda kala duwan ku qorituurasho (xoolo saanyasho darteed iwm). qosli  1. Ka q.: cid qosol ka keenid. 2. Ka q.: cid ka farxin.
qoslid  eeg qosol².
qoslin  eeg qosli.
qosol1  Cod gaar ah oo ay dadku sameeyaan marka ay faraxsanyihiin iyagoo ilkaha caddaynaya. qosol2  1. Ilkacaddayn, iyo cod isku darid farxad awgeed. 2. Ku q.: cid ku jeesjeesid. qosolbile  Dhool.
qosolgariir1  Qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.
page : 71 of 86
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 > >>