Ereyga Maanta: dalankacee
qulbi  (iyay, -isay) Ciil iyo murugo cid ku beerid. ld qulubsii.
qulbid  eeg qulub².
qulbin  eeg qulbi. ld qulubsiin.
qullatayn  1. Dar ama berkad dusha ka feedan oo masaajiddada loo dhiso oo lagu weysaysto. 2. Qiyaas biyo ah oo si sahlan aan u nijaasoobin.
qulqul1  (fiis.) Summad I. Dhakhsaha uu saldanab ku dhexmaro gudbiye danab. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee qulqulka danab waa ambiyeer (A). qulqul2  Shubmid ama socod aan kala go'lahayn ee uu hooruhu sameeyo. ld qulqulid. qulqul3  1. Hoore si aan kala go'lahayn u shubmid ama u socosho. 2. Dad, xoolo iwm si aan kala go'lahayn u socosho. qulqul badweyn  (juqr.) Dhaqaaqa biyaha dusha ee badweynta.
qulqul qumman  (fiis.) (q.q.) Qulqul danab oo u socdo jiho kaliya marka uu dhexmaraayo mareeg danab.
qulqul talantaaliya  (fiis.) (q.t.) Qulqul danab oo dhex maraya mareeg danab, si joogta ahna u beddelaya jihada marar badan halkii seken.
qulqulad  Rabsho nabadda iyo xasilloonida wax u dhinta.
qulquladayn  eeg qulquladee.
qulquladee  Cid meel iwm qulqulad ku samayn.
qulquli  1. Hoore si aan kala go'lahayn u shubid. 2. Dad xoolo iwm si aan kala go'lahayn u socodsiin.
qulqulid  eeg qulqul³.
qulqulin  eeg qulquli.
qulub1  1. (m.l./dh) Isla hadalka iyo walaaca ay arrin qof ku dhaliso. 2. Qaybinta cayaar turub oo la khaldo. qulub2  1. (f.g) Cayaar turub iwm qaybinteeda isku qaldid. 2. (f.mg) Welwel iyo calool xumo dareemid. 3. (f.mg) Welwel iyo caloolxumo darteed la caatobid. qulubsan  Qof wax qulbay ahaansho.
qulubsanaan  eeg qulubsan. ld qulubsanaansho.
qulubsanaansho  ld qulubsanaan.
qulubsii  ld qulbi.
qulubsiin  ld qulbin.
quluc  Nooc bocorka ka mid ah leh sal ballaaran iyo dhuun dhuuban oo inta la qallajiyo oo miraha laga daadiyo biyo lagu shubto, ama oodkaca lagu shubto.
qulucfage  Fandhaal weyn oo af ballaaran leh iyo dabo dheer oo tabbedaha, qulcaha iwm subagga iyo oodkaca looga bixiyo.
qulul  Meel kala dheer oo laga siiban karo. ld quluul.
qululuc  Shanqar ka timid dareere si xoog leh uga soo butaaca meel ciriiri ah.
quluub  ld qalbi.
quluud  Ulajeedo naftu u bogto oo ku raaxaysato; macne loo jeelo oo la jeclaysto; murti; xallad; milgo.
quluul  ld qulul.
page : 76 of 86
<< < 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 > >>