Ereyga Maanta: bedertami
sakeysi  ld sakeysasho.
sakeyso  Seko urursa-sho. ld sekeyso.
sakhraami  Cid sakhraan ka dhigid.
sakhraamid  eeg sakhraan².
sakhraamin  eeg sakhraami. ld sakhraamis.
sakhraamis  ld sakhraamin.
sakhraan1  Qof khamro ka dhergey oo sakhradi hayso oo aan ogayn waxa uu samaynayo. ld sarqaan. sakhraan2  Qof wax sakhradi hayso noqosho. sakhraannimo  Sakhraan ahaansho.
sakhraansan  Qof wax sakhradi hayso noqosho. ld sakhradeysan.
sakhraansanaan  eeg sakhraansaan. ld sakhraansanaansho, sakhradeysnaan.
sakhraansanaansho  ld sakhraan-sanaan.
sakhrad  Miyir la'aanta ku dhacda qof khamro ka dhergey.
sakhradeysan  ld sakhraansan.
sakhradeysnaan  ld sakhraansanaan.
sakhradeysnaansho  ld sakhraas-naan.
sakiin  Bir yar oo xalleefsan labada dhinacna af ku leh oo timaha lagu xiiro. ld sikiin.
sakiino  Nooc ka mid ah siyaabaha turubka loo ciyaaro.
sakiir  ld sakiiro.
sakiiro  1. Iin lugaha dadka gasha oo jilbaha isu soo dhoweysa. 2. Nabar ka dhasha shafka iyo jeeniga geelu markay is xoqaan. ld sakiir, sikiir, sikiiro.
sako  1. Saddaqo maalka iyo xoolaha ku waajibta oo sanad walba laga bixiyo. 2. Bilaha dayaxa oo muslinku tirsado, bisha ugu horreysa oo xoolaha saddaqo ku waajibta laga bixiyo dago. ld seko.
sal1  1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari. sal2  1. (nax.) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iwm waa qaybta xambaaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar). 2. (xis.) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah. sal3  1. Hilib saafid. 2. Biyo ku oon beelid. ld sol. sal habdhis tirooyin  Sal tiro.
sal logardam  Tirada jibbaarkeedu la midka yahay logardamka tirada. Haddii logardamka x ee sal b (loo qoro logb x) yahay y, marka; b y = x . Salka logardamka caadiga ah waa 10.
sal-jibbaar  (xis.) Tirada jibbaarkeedu tusinaayo inta jeer ee tiradaasi la isku dhuftay. Tusaale ahaan 2(4), 2 waa salka, 4-tuna waa jibbaarka.
sal-kadhaban  Dhibaato qof ku timaadda oo ku dhalisa welwel iyo walaac gayeysiisana inuu ka tago meeshii uu joogay.
sal-tiro  (xis.) Baaxadda kooxda tirinta loo adeegsado. Habdhiska tobanle salku waa toban. Astirooyinka la adeegsado waa “0”, 1, 2, 3, 4, ,5 ,6, 7, iyo 9 oo loo kooxeeyo toban koowaad, toban tobnaad iwm. Habdhiska labaale salku waa labo. Astirooyinka la adeegsado waa “0” iyo 1.
salaad  1. Subixii aroorta hore. 2. (-do, m.l) Baryo ka kooban wax afka laga akhriyo iyo addimada laga falo oo waqti la yaqaan muslinku oogaan; tukasho.
page : 20 of 118
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>