Ereyga Maanta: gurguurto
salaaf1  Dabeecad fudayd ku jiro oo badanaa keenta in la sameeyo falal aan laga fiirsan. salaaf2  Neef xoolaad liidasho. salaafid  eeg salaaf².
salaama  Erey duco ah oo ka dhigan: “nabad gal!”; nabaaddiino. ld salaamad.
salaamaco  Geed dhererkiisu dhexdhexaad yahay oo laamo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodax yaryar leh. ld saleelmac.
salaamad  ld salaama.
salaamid  eeg salaan².
salaan1  1. Ereyo laysu jeediyo ama gacanta oo si gaar ah laysugu taago marka laysu yimaad ama la kala tegayo, iyadoo laysu muujinayo kalgacal. 2. Bartanka wejiga fardaha, lo'da iwm. salaan2  Cid salaan u jeedin. salaasa  ld talaado.
salaatulqasri  Salaadda oo la soo gaabiyo waqtiyada lagu jiro safarrada dhaadheer oo aan la istaageyn. ld sallaatulqasri.
salaax1  1. Wax wanaagsan. 2. Sacabka oo si dabacsan wax loo kor mariyo. 3. Dhismo dhammaaday oo dusha laga simay. 4. S. ah: dhulbeereed aan geedo lahayn oo muddo la beerayey. salaax2  1. Wax xoo-daamin. 2. Derbi la dhisay dusha ka simid. salaaxan  Wax la salaaxay ahaansho.
salaaxid  eeg salaax².
salaaxnaan  eeg salaaxan. ld salaax-naansho.
salaaxnaansho  ld salaaxnaan.
salab  Qalabka lagu dagaallamo; hub.
salabayn  eeg salabee.
salabee  1. Cid hubayn. 2 Wax xaaqid. 3. Wax galayn.
salabo  Nooc xaaqimada ka mid ah oo madaxiisu ulo dhuudhuuban ka samaysan yahay.
salal1  Naxdin iyo argagax hurdada lagala soo boodo. ld selel¹. salal2  Naxdin iyo argagax hurdo kala soo boodid. ld selel². salali  Qof hurda selel ku ridid. ld seleli.
salalid  eeg salal². ld selelid.
salalin  eeg salali. ld selelin.
salalsan  ld selelsan.
salalsanaan  ld selelsanaan.
salalsanaansho  ld selelsanaan.
salammadle  Shimbir Afrika ku nool oo aad u xoog badan, luqun iyo lugo dhaadheerna leh oo dusha ka madow hoostana ka cad oo cunaha hoos-tisa ku leh kiish dheer oo uu cuntada ku kaydsado. ld shalammadle.
page : 21 of 118
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>