Ereyga Maanta: dalankacee
safiito  1. Shay ka mid ah qalabka dhismaha oo guryaha dedkooda hoose lagu dhejiyo. 2. Wax kasta oo marka guryaha la dedo hoos looga dhejiyo.
safmar1  S. ah: cudur dad ama xoolo badan mar ku wada dhaca. safmar2  (daaw.) Cudur si kedis ah u dillaaca oo si dhakhso leh ugu fida dadka dhexdiisa isagoo saameynaya qayb badan ee dadka ka mid ah. safnaan  eeg safan². ld safnaansho.
safnaansho  ld safnaan.
safo  1. (f.g) Wax saf gelin. 2. (f.mg) Qof saf gelid.
safrad  Baahida la dareemo marka la hamuumanyahay.
safradaysan  Wax safradi hayso ahaansho.
safradaysnaan  eeg safradaysan. ld safradaysnaansho.
safradaysnaansho  ld safradaysnaan.
safri  Badeeco meel fog u iibgeyn.
safrid  eeg safar³.
safrin  eeg safri.
sagaal  Tirada siddeedda iyo tobanka u dhexeysa; “9”.
sagaalaad1  1. Maalinta bisha Arrafo sagaalka tahay oo muslimiintu xajinaysaa banka carrafo taaganyihiin. 2. Roob da'ay maalintiisa sagaalaad ee riibigu kaco. sagaalaad2  Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma sagaalka. sagaalle  Xaashi turub oo sagaal dhibcood leh.
sagaara-furdug  Nooc sagaarada ka mid ah oo aad u waaweyn; kuna nool dhulka carro madowga ah.
sagaarasalool  Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar oo ka mid ah dhirta daawada.
sagaaro  Nooc ugaarta yaryar ka mid ah, dhawr jaad u kala baxda oo keeda lab geeso leeyahay.
sagaaromuri  Nooc sagaarada ka mid ah kana yara waaweyn oo leh midab ciiromadow xigeen ah.
sagaashamaad  ld sagaashanaad.
sagaashameeye  Tiro qiyaas ahaan sagashan u dhow. ld sagaashameeyo, sagaashaneeye, sagaashaneeyo.
sagaashameeyo  ld sagaashameeye.
sagaashan  Tiro ka kooban sagaal meelood oo min toban ah; sagaal tobnaad; “90”.
sagaashanaad  Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma sagaashanka. ld saga-shamaad.
sagaashaneeye  ld sagaashameeye.
sagaashaneeyo  ld sagaashameeye.
sagal  Daliigo cas-cas oo moodda galbeed u eg oo xilliga roobka aroortii cirka ku dhigma.
sagan  Godob, utun, aano, dakano.
page : 16 of 118
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>