Ereyga Maanta: nadalo
s  (sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
saa1  1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan. saa2  1. Markaas; haddaba. 2. Maxaa-yeelay, waxay kunoqotay, sabab. saa'id1  ld saayid¹. saa'id2  ld saayid². saa'idcalayn  ld saayidcalayn.
saa'idcalee  ld saayidcalee.
saab1  1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye. saab2  1. (xis.) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax. 2.ÿ(xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis. saab3  Weel saab u yeelid. saabaan  Alaabta guryaha la dhigto oo ay ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iwm oo lagu dhaqmo. ld saa-maan.
saaban  Wax saab leh ahaansho. ld saabsan.
saabasho  eeg saabo. ld saabsasho.
saabbilaash  Saab weyn oo alaabta lagu rito.
saabbir  Saabbir ah: cayr fara maran.
saabbuun  Xayr iyo maadooyin kale oo la isku kariyey, adke laga dhigay oo dharka iyo jirka lagu mayrto, biyahana ku milma. ld saabuun.
saabbuuncadar  Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.
saabbuunee  Dhar saabbun ku dhaqid.
saabbuuneyn  eeg saabbuunee.
saabbuunmadow  Saabbuun dharka lagu dhaqdo oo leh midab madow buluug xigeen ah.
saabbuunmaris  Saabbuunta noocyada dharka lagu dhaqo.
saabcaarayn  eeg saabcaaree.
saabcaaree  Wax qaabka xuubka caarada leh samayn.
saabcaaro  1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.
saabi  Weel saab u yeelid.
saabid  eeg saab².
saabil  1. Cayaarta (turubka) dabaka-eriga ran yaryar hor marin si uu ranka waaweyni u soo haro. 2. Cid qayaamo wax ugu qaadid.
saabilid  eeg saabil.
saabin  eeg saabi. ld saabis.
saabis  ld saabin.
page : 1 of 118
1 2 3 4 5 6 > >>