Ereyga Maanta: saddex-madaxle
sadkax  1. Geed nagaar yar oo leh laamo iyo caleemo jilicsan iyo miro la cuno, askax. 2. Miraha geedkaasu dhalo.
sado  Canshuur la siiyo boqorrada. ld sedo.
sadqayn  eeg sadqee.
sadqee  Xoolo allabari ahaan u qalid.
sadqo  1. Xoolo allabari ahaan loo qalo. 2. S. ah: qof aan qiimo lahayn.
saf1  Wax badan is wada barbar taagan, aan kala horreyn kalana dambayn; sarac. saf2  Wax saf gelin. safaana  (juqr.) Ama dhul-cawsaadka kulaaleyda waa gobolka adka la leh kaymaha badhaalaha kubbad badh asta, isla markaana dhaca inta u dhaxaysa ama degaannada diiran (latter) iyo kuwa kulul, deegaanta dabiiciga ah ee ka baxdaa waa caws iyo hir teel-teel ah, wuxuuna leeyahay xilliyo qoyaan iyo qallayl, roob la'aanta xilliga dambena waxay ka hor tagtaa bixitaanka keymaha meelaha qo-yaanka leh mooyee.
safaarad  Xaafiiska danjiraha. ld safaaro.
safaaro  ld safaarad.
safad  1. Qufad yar oo qurxoon aaburna leh oo caw ka samaysan waxna lagu rito. 2. ld safasho.
safaleeti  ld fasaleeti.
safan1  Dildillaac dadka kaga dhaca cagaha oo qabowga iyo kulaylku keenaan. ld hilibsafan. safan2  (c.nafl.) Nafley badda ku jirta oo jirkeedu ka koobanyahay labo baal oo balballaaran madax yar iyo dabo sida xarigga u dhuuban oo qodxo ku tagtaaganyihiin, waxayna u egtahay sammiir yar. safan3  Wax si saf ah u taagan ahaansho. safar1  1. Socdaal. 2. Dad gaadiid wata oo arrin ganacsi magaalo u aaday. safar2  Bilaha dayaxa lagu xisaabo too-da labaad. safar3  1. Meel ka socdaalid. 2. Iyadoo meel ganacsi loo aadayo meel ka tegid. safasho  eeg safo. ld safad.
safayn  ld sifayn.
safaysan1  ld sifaysan¹. safaysan2  ld sifaysan². safaysmid  ld sifaysmid.
safaysnaan  ld sifaysnaan.
safaysnaansho  ld sifaysnaan.
safee  ld sifee.
safeexad  ld faseexad.
safid  eeg saf².
safiih  S. ah: qof caqli gaab ah; doqon. ld sufeehi, sufiih, sufiihi.
safiir  Danjire dalkiisa u jooga dal kale oo shaqo dibolomaasi u haya.
page : 15 of 118
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>